Allah ha u naxariistee waxaa xalay cibistaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka. ku geeriyooday madaxweynihii hore ee DKMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa taariikh nololeedkii Marxuumka oo kooban laga soo bilaabo 1934-kii illaa 2012. Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku dhashay meel u dhow magaalada Wardheer ee dhulka Soomaali [...]





