Waxaa lasoo gabgabeeyay shirkii London ee looga hadlayay horumarinta Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in goor-dhow ay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ay saxaafadda u soo bandhigaan warmutiyeedkii shirka kasoo baxay. Ra’iisul wasaaraha UK, Cameron ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli ka jirto rajo wanaagsan, isagoo beesha caalamka ka dalbaday [...]








