|

Xildhibaan Axmed Cali Xaashi”C/llaahi Cali Ciid waa khaldamay,Dekeda laas qoray Shaqadeedii waa ay socotaa”.

Maakhirnews :  Xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo horay usoo qabtay Jagada Gudoomiyaha
Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay hadal uu dhowaan warbaahinta ka
sheegay C/llaahi Cali Ciid oo ahaa in Mashruuca Qodista Dekeda
Laasqoray uu yahay Mid lagu boo bayo Khyaraadkii Deegaanka,ayna jirto
Boob halkaasi ka socda.

Axmed Cali Xaashi ayaa si kulul uga jawaabay Hadalka C/lashing cali ciid,iyadoona
uu ku tilmaamay mid iska dheh ah,aysana ka filayn odaga oo ah Shakhsi
uu ixtraamayo.

” Anigu waxaan ku suganahay Laas qoray,waxaana socda Horumar balaaran
oo laga samaynayo Dhismaha Dekeda Laas qoray,Waxaana aad ula yaabay
War aan warbaahinta ka dhagastay oo ah In Ajaanib ay boobayso khayraadkii
Laas qoray,iyadoo kusoo gambanayso dhismaha Dekeda Laas qoray”Waxaa hadalkaasi
yiri isaga oo cod caro laga dhee hanayo ku hadlaya Xildhibaan Axmed Cali Xaashi.kii uu

Xildhibaan Xaashi waxaa uu ku tilmaamay Dekeda Laas qoray in ay tahay mid
an fac u leh guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,iyadoona uu tilmaamay xiligan
in lagu guda jiro Wajigii Labaad ee Dhismaha Dekeda.

Dhowaan ayay ahayd markii C/laahi Cali Ciid uu sheegay in uu jiro
Boob lagu hayo Khayraadkii laas qoray,iyadoona Dad Ajaanib ah oo halkaasi
ku sugan ay wadaan Urursi khayraadka,iyagoo tilmaamaya in dibada ay gaynayaan

Maakhirnews

Faahiye  Ciise  Garaad

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

1 Response for “Xildhibaan Axmed Cali Xaashi”C/llaahi Cali Ciid waa khaldamay,Dekeda laas qoray Shaqadeedii waa ay socotaa”.”

  1. Waranle says:

    hadalka ina cali ciid ma hadal asaasaq baa mise hadal hunguri raac shilimadii garoowe cidhiidhi ka galeen oo soo duday? Cabdullaahi Cali Ciid garoowe iyo Majeerteen sanooyin fara badan buu ku hoos nabnaa oo maxjar ugu jiray uuna ahaa kuwa difaaca, iyada oo waxa uu ka cabanayaba jireen ee ah sad bursiga iyo keli cunimada Majeerteen hase ahaatee uu aamusnaa oo sandareerada uu jaqayey markii laga jaray lana dareensiiyey in magaca uu isticmaalo ee naaxinta ahaa uusan sax ahayn ee lagu danaysanayey buu soo orday isaga oo aan dheg la qabto lahayn oo leh waan ka tashanay Puntland..kkkkk Yaa Salaam Xataa Ana yaa Ciid..waxa ka qaylaalsiinaya maaha jacaylka iyo danta Maakhir ee waa xoogaagii ka go’ay iyo kursigii loo gaabiyey ee xajmigiisa looga dhigay marka lagu fahan ninka dhabarku muuqdoow…Rabbiyoow ha na ceebayn, war Ina Cali ciid yaa la tasha oo yiraahda adeer basaasnimadii Siyaad ku baray hadda Xamar looga baahan yahee xagga aad, dadaka sharafta iyo maamuska lehna kala dhex bax fitnada iyo namiimnimada aad kula dhex wareegaysid.

Comments are closed