Wasaarada Warfaafinta Puntland ee G/Sanaag oo warmurtiyeed ka soo saartay Faragelin lagu hayo gobolka
War murtiyeedkan ayaa ahaa mid intiisa badan saraakiisha wasaarada Warfaafinta Puntland ee gobolka sanaag ku odorasayeen xaalada guud ee gobolka Sanaag oo mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid ay ka soconayeen shirar aanay fadhiyin ajandayaashooda kuwaasi oo ay ka dambeeyaan gacmayaal shisheeye.
Waxaa lagu shaaciyay warka ka soo baxay Wasaarada in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadis horayna ay u qaateen dadka reer sanaag xiligii la aas aasayay dowlada Puntland taasi oo aan lookala maqneyn xiligaas,
Waxaa lagu cadeeyay warkan sidoo kale in qorshaha gobolka sanaag la wada yaqaan cida loo soo marayo ayna dhinaca siyaasada ka dhisan yihiin maamulkii gobolka kii degmooyinka iyo talis yadii ciidanka iyo amaanka guud ahaan Puntlandba .
Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa ay ugu cel celisay wasaarada warfaafinta gobolkaas in aan loo dulqaadan Karin faragelinta Maamulka Soomaaliland ay ku hayaan gobolka Sanaag iyo dadkale oo aan warka lagu shaacin.
Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Baran ee gobolka Sanaag waxaa ka soconayay kulamo ay yeelanayaan odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee gobolka kuwaasi oo ku odorasaya arimaha gobolka ka soconaya, waxaana kulamadaasi ku xiran yihiin imagaalooyinka Garoowe xarunta Puntland iyo Muqdisho oo Xarunta dowlada Dhexe Soomaali ah.
SIkastaba ha ahaatee qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Sanaag ayaa ka digay faragelin ay sheegeen in maamulka la baxay Soomaaliland ee Waqooyi galbed Soomaaliya uu ka wado gobolka .
Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Baran.
