|

Wariye Ka Tirsan Idaacadda Shabelle Oo Galabta Lagu Dhawaacay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribkii waxay degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho ku dhaawaceen wariye Maxamed Maxamuud Tuur Yare oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle.

Wariyaha ayaa lagu dhawaacay isagoo ka soo baxaya salaadii maqribka masjid ku yaalla  xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho.

Wariyaha ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhacday, kaddibna waxa loola cararay isbitaalka Madiinka halkaasoo hadda lagu daweynayo, sida uu VoA u sheegay wariye ka tirsan Idaacadda Shabelle

Kooxda dhaawaca u geestay wariye Tuur-Yare ayaa isla goobta ka baxsaday, mana jirto cid loo soo qabtay  weerarka lagu dhaawacay Maxamed Maxamuud Tuur Yare.

Wariye Tuur-Yare ayaa waxa uu ahaa madaxa Website-ka Idaacadda Shabeelle, isla markaana waxa uu ka qaybgali jiray barnaamijyadda Idaacadda iyo Wararka.

Wariyaha ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhaceen , waxana hadda lagu daweynayaa isbitaalka Madiina, isagoona dhiig badan uu ku hooray.

Wuxuu ugu dambeeyay dhowr wariye oo lagu weeraray degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho.

Bishii hore ayaa in ka badan shan wariye  lagu dilay Magaaladda Muqdisho, taasoo tirada guud ahaan wariyaasha lagu dilay Soomaaliya sannadkan ka dhigaya ilaa 15 halka in ka badan 25 kalana la dhaawacay sanadkan.

Soomaaliya waxay ugu horreysaaa dalalka suxufiyiinta caalamka lagu dilo tan iyo sannadkii 2007-dii.

Wareysiga Dhaawaca Wariyaha

MaakhirNews.com Xigasho  VoA

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

1 Response for “Wariye Ka Tirsan Idaacadda Shabelle Oo Galabta Lagu Dhawaacay Muqdisho”

  1. gold account says:

    Wariyeyaal katirsan idaacada shabelle ayaa warqaad.com waxay usheegeen inuu hadda tuuryare dhaawacyahay hadda uu yaalo isbitalka madiina ee magaalada Muqdisho uu meydka yaallo.

Comments are closed