|

Wareysi- Duqa Degmada Laasqoray oo naqdiyey Weedhii kasoo yeertey Cabdullahi Cali Ciid

Duqa Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa uu wareysi dheer Siiyey Radio Daljir isla markaana naqdiyey Weedhii kasoo yeertey Odey Cabdullahi Cali Ciid oo ku saabsanaa inaan Laasqoray Deked laga dhiseyn ee ay Burcad ay guraneyso Macdanta isla markaana erayadaas ay dad badani ku noqotey Amakaag oo aan laga filaneyn Odey Soomaaliyeed ka hor intuusan xaqiiqada arag.

Gudoomiye Yuusuf Jaamac Dibad ayaa si kulul u dhaleeceeyey Hadalada kasoo yeerey Cabdulaahi Cali Ciid  isla markaana gaashaanka ku dhiftey ineysan waxba ka jirin eedeymahaas iyadoo Mashruuca dibu dhiska Dekeda Laasqoray uu yahay Mid danta Guud ee deegaanada Sanaag iyo Somaliyaba.

Halakan ka dhagayso Waraysiga MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

1 Response for “Wareysi- Duqa Degmada Laasqoray oo naqdiyey Weedhii kasoo yeertey Cabdullahi Cali Ciid”

  1. Waxaa dhowaan soo gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, wasiirkuxigeenka amniga Puntland, mudane C/jamaaal Maxamed Cismaan iyadoo wasiirku uu beryahanba ku sugnaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag isla markaana ay galbinayaan gadiidka dagaalka iyo waliba cutubyo katirsan ciidamada Puntland.

Comments are closed