War Deg Deg ah Madaxweyne Siilaanyo oo Xagla-toosiye u magacaabay Wasiir iyo qaar kale
War-saxaafadeed hadda ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo soo gaadhay warbaahinta ayaa waxa lgu sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland xilal kaasi magacaabay
War-saxaafadeedkan oo faah faahsan waxa uu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha  Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:   Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka  Somaliland,
Markuu Tixgeliyey:      Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha SL,
Markuu Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â In uu hanan karo xilka loo magacaabay,Â
Wuxuu go’aansaday
- 1.         In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee SL.
- 2.      In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee SL.
- 3.      In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee SL.
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada SL.
MaakhirNews
Xigasho Buraannews.com/Hargeysa

