Puntland oo Jawaab ka bixisay cabashooyin ka soo yeeray Kaluumeysatada Deegaanada Puntland
Wasaarada Kaluumeysiga Puntland ayaa ka jawaabtay cabashooyin dhowr ah oo ka soo yeeray ganacstada kaluunka ama kaluumeysatada deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari.
Cabashooyinkaas ayaa ku aadanaa Gaadiid badeed waaweyn oo ajaaniib ah kuwaasi si sharci daro ah u guranaya kaluunka badda Puntland islamarkaana handadaad u geysta kaluumeysatadii xaqa u laheyd xeebahooda in ay ka kaluumeystaan.
Agaasimaha Wasaarada Kaluumeysiga C/waaxid Joocaar ayaa u sheegay qalabka warbaahinta in cabashooyinkaasi ay yihiin kuwo marar badan wasaarada ku soo laalaabtay islamarkaana ay u gudbiyeen Dowlada dhexe islamarkaana aan weli wax jawaab ah la heyn taasi oo la iskaga celiyo gaadiidkan xaalufka wada.
Waxaa kale oo uu Joocaar sheegay in ganacstada kuluumeysatada ah ee cabanaya ay dhibaatada ay ka cabayaaan iyaga laftooda qeyb ka yihiin maxaayeelay ayuu yiri waxa ay heshiis la leeyihiin ganacsato ajaaniib ah oo ay wax kala gataan kuwasna ay yihiin kuwa soo horkaca gaadiidkan sharci darada ah.
Arintani ayaa soo laalaabatay mudooyinkii ugu dambeeyay iyadoo deegaanada qaar xeebaha Puntland kaluumeysatadii ka howlgalayay ay baqdin awgeed u joojiyeen Kaluumeysigii ay badda u aadayeen maadaama ay ku sugan yihiin qolyahan ajaaniiba ah oo iyagu wata gaadiid badeed aad u waaweyn iyo hub sharci daro ah.
MaakhirNews.com

