Magaalada Kismayo Oo Lagu Heshiiyey In Maamul Loo Sameeyo
Kismaayo oo loo sameeyey maamul kumeelgaar ah, kaas o lagu dhisey qaabkiisa magaalada Nairobi, waxaana fulintiisu ka dhacayaa magaalada Kismaayo, Shirka lagu dhisey qaabka maamulka Kismaayo waxaa soo abaabushey Urur goboleedka IGAD.
Qaabkan ayaa ah mid taxadar laga muujiyey in aysan magaaladu dib ugu noqon qaabkii ay ahaan jirtey, waxase aad u adag in la fahmo qaabka ay u shaqeyn karaan, waxaana maamulkan u muuqda dadka aan heshiin karin maamul lagu heshiisiinayo.
Maamulka ayaa u qaybsanaan doona laba qaybood:
Mid kamid ah maamulku waxa uu yaalanayaa Guddoomiye ku xigeen iyo 10 kale oo ah caawiyaal, midkasta oo caawiyaasha ka mid ahna waxa uu masuul ka noqonayaa qayb ka mid ah maamulka magaalada.
Qaybta labaad ee maamulka ayaa u qaybsanaan doona qaybo shaqo taas oo midkasta ay leedahay 5 qof kuwaas oo isku dar noqonaya 25 qof.
Qaybaha maamul ayaa ka koobnaan doona:
Amaanka, Dhaqaalaha, Cadaaladda, Arrimaha bulshada iyo Gargaarka
Jagada guddoomiyaha ayaa lagu heshiiyey in ay noqoto mid wareegta oo 20 cishoba qof hayo. tan oo ka dhigeysa in magaaladu aysan yeelan guddoomiye joogta ah.
Magaalada Kismaayo waxaa dhawaan laga saarey Xarakada al-Shabaab kadib markii dagaalo muddo sanad ah soo socdey oo Kenya hormuud ka ahayd ay ugu danbeyntii gaareen magaalada Kismaayo, Waxaa ciidamada Kenya ka bar-bar dagaalmamey Kooxda Raas-kaanbooni, iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda.
MaakhirNews.com
MaakhirNews@hotmail.com
Kismaayo , Somalia

walalyaal, anigu ma ihi nin nabadda lidi ku ah, laakin waaxa iga dhaadhi weyday Guddomiye 20 cisha haya shaqo maxuu soo saarikara, ten kale waxaan webbka qaar kood ku arkay in mamulka igad kenya ku dhiseen . IGAD waxa kheyrka ah oo aynu ka fileynaa maxuu yahay. kenya waa IGAD, Ethopia waa IGAD, Uganda waa IGD, dhulkana xoog ayaa ku joogaan, dhul & dadna qaarkood waa inga gumaysta. marka anigu kheyr ka ma filaayo Reer IGAD. ee inagu masutaasilna
ilaaho nabadbadi