|

Madexweynaha dawlada puntland oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag iyo Taliyihii qaybta booliska gobolkaasi.

 Madexweynaha dawlada puntland Mudane C/raxmaan Maxamed maxamuud Faroole ayaa manta xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) iyo Taliyihii qaybta booliska gobolkaasi sanaag.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) iyo taliyihii qaybta Booliska gobolkaasi Sanaag sidoo kalana xilalkaasi loo magacaabay masuuliyiin cusub.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) oo warbaahinta la hadlay manta ayaa sheegay in ay soo gaaren warar sheegaya in xilka laga qaaday, warqad cadayn ahse aysan wali u iman, wuxuuna carabaabay in Warqad iscasilaad ah uu dhawr mar oo isxig xigay u gudbiyay Madexweynaha dawlada puntland lakin uusan wax jawaab ah horay uga helin.

Dabayl wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo masuul walba oo xilka uu gobolkaasi ka hayay loo soo magacaabo, wuxuuse carabaabay mudadii uu xilka hayay in aysan wax taageero ah iyo garab istaagba uusan ka helin maamulka Puntland taas oo keentay in hawlo badan ay qabsoomi waayaan lakin uu dadaal badan oo odaynimo ka muuqato uu ku bixiyay masuuliyadii uu ka hayay gobolkaasi Sanaag.

Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) xilka guddoomiyaha gobolkaasi Sanaag loo magacaabay sanadkii 2003-dii wuxuuna xilkan hayay mudo farabadan oo masuuliyiin kala duwan ay qabteen Madextinimada maamulkan Puntland.

Maakhirnews

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed