|

Madaxweyne Faroole oo madaxtooyada garoowe ku qaabilay wafdi ka socda Yurub(Sawiro)

Magaalada garoowe xarunta Puntland maanta waxaa soo gaaray Safiirka Cusub ee midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr Micheal Garovin halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweyn ka dib safiirka Yurub ee Soomaaliya iyo wafdiga uu horkacayay ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Puntland.

Kulan uu albaabada u xidhanyahay ayaay ku yeesheen labada masuul xarunta madaxtooyada kaas oo ay saxaafadu banaan joog ka heyd.

marka uu dhamaaday kulanka ayaa waxay saxaafada kala hadleen masuuliyiinta waxyaabihii ay ka wada hadleen waxaana ay sheegeen in kulankoodii ku saabsanaa arimaha wada shaqeynta labada dhinac iyo weliba la dagaalanka kooxaha Burcad badeeda.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha Puntland Dr Faroole oo saxaafada marka hore la hadlay in kulankooda uu ku soo dhamaday guul islamarkaana ay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay isu so qaadeen\

Safiirka Somalia ee midowga Yurub ayaa isana hadlay sheegayna in howlo badan oo dhinacyo badan leh ay Puntland iska kaashanayaan kuwaasi oo ay ugu weyntaha ladagaalanka Burcadbadeeda.

Waa markii labaad ee uu Safiirka Somalia ee midowga Yurub soo gaaro garoowe waxaana uu safarkan ugaga soo kucitimay magaalada caasimada ah ee Muqdisho halkaas oo uu maalin ka hor kaga gudoomay aqoonsigiisa safiirnimo madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeq.


468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed