|

Obama iyo Romney oo Markii Labaad Dooday

Waxaa  doodii labaad yeesheen labada musharax ee u tartamaya Xilka Madaxweynaha Maraykanka doorashada soo socota ee bisha November 2012. Barack Obama iyo Mitt Romney ayaa doodii labaad oo ay yeeshaan ay ahayd mid aad u kulul.

Doodii xalay ayey dadka qaarkiis ku tilmaameen mid aad u kululeyd ayadoo labada musharax mararka qaarkood midba midka kale ku eedeenayey inuu been sheegayo, waxayna labada nin si kulul uga doodeen arrimaha Dhaqaalaha dalkaasi Maraykanka iyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa ganacsiga wadankaasi Maraykanka ee hoos u dhacay.

Doodan ayaa ka duwaneyd midii hore oo ay yeesheen labada musharax horaantii bishan, doodan labaad ayaa waxaa si weyn loo dareemay in labada musharax ay doonayeen inay guulo ka keenaan.

Barack Obama oo asagu doodii 1aad la sheegay in looga guuleystay ayaa xalay dood kulul soo bandhigay asagoo si toos ah ulla hadlayey kasoo qeyb galayaasha kulankaasi oo ayagu ahaa kuwa su’aalaha weydiinayey labada musharaxa.

Mitt Romney ayaa sidoo kale muujiyey dood kulul balse waxaa inta badan dadku is raaceen in doodii labaad uu ku guuleystay Barack Obama, maadaama Mr.Obama si farsameysan u muujiyey qorshaha Dhaqaalaha gaar ahaan Canshuuraha ee uu wato Mitt Romney uu yahay mid aan cadeyn oo uu mugdi badan ku jiro.

Barack Obama ayaa sidoo kale adeegsanayey hadalo kulul taasi oo keentay in Mitt Romney marar badan uu xanaaqo, arrintan ayaa sii kululeysay doodii labada musharax wada yeesheen.

Dooda sadexaad ee dhexmari doonta labada musharax ayaa dhici doonta Todobaad kahor marka ay shacabka u dareerayaan codbixinta Doorashada oo dhici doonta 6da bisha November.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed