|

Dhalinyarada Ka Tahriibaysa Magaalada Hargeisa oo Markale Faraha Kabaxday

Maakhirnews-Tiro dhalin yaro ah oo u badan Ardaydii sanadkan dhamaystay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahha ayaa bilihii ugu dambeeyay wadanka ka Haajiray, iyagoo cagta saaray Jidka Halista badan ee isku xidha Somaliland, Itoobiya, Sudan, Saxaraha Liibiya ilaa Badweynta Hindiya oo ay intooda bad-baadaa ay uga sii gudbaan Jasiiradda Malta.

Tahriibka Dhalinyarada ayaa la rumaysanyahay inay kor u kacday labadii bilood ee ugu dambeeyay, hase ahaatee aan sidii hore loo dareensanayn, taasoo ay sababtay Khasaaraha inta badan dhaca oo yaraaday iyo Khatartii Liibiya ay kula kulmi jireen oo hoos u dhacday.

Wararka la xidhiidha Tahriibta dhalinyaradu waxay intaasi ku darayaan in xataa arday Jaamacadda ku jiray baxeen todobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo Eheladoodu ogaadeen iyagoo Itoobiya ka sii baxaya.

Ma jiro Tiro koob rasmiya oo laga hayo tiradda da’yarta tahriibtay bilihii ugu dambeeyay, hase ahaatee ra’yi uruurin Wargeyska Waaheen sameeyay maalmihii ugu dambeeyay oo aanu ku xog waranaysay dhalinyaro badan oo saaxiibadood tahriibeen ayaa sheegaysa in ugu yaraan saddex boqol oo dhalin yaro ahi dalka ka haajireen usbuucyadii la soo dhaafay, taasoo muujinaysa inay cirka isku shareertay sibiq-dhaqaaqa Dhalinyarada Somaliland.

Deeq Cabdi oo ka mid ah Ardayda sanadkan ka qalin jabiyay Dugsiyada dawliga ah  ayaa Wargeyska Waaheen u sheegay in labadii bilood ee ugu dambeeyay ay tahriibeen saaxiibadiisii ugu badnaa “walaahi labadii bilood ee ugu dambeeyay ayay tahriibeen dhalinyaradii ugu dambeeyay, waxaanay gaadheen qaarkood Liibiya, qaar suudaan, qaarna waabay dhaafeen oo waxay galeen Yurub”ayuu yidhi.

Waxa uu intaasi ku daray isagoo ka waramaya Khasaaraha iyo dhibaatada ay dhalinyaradaasi la kulmaan “intaan ogahay Wiil ayaa ku dhintay Saxaraha isaga iyo dad kale oo ay wada socdeen Gaadhi kula xumaaday saxaraha ka dibna lugihiisa miciinsaday dabadeed isagoo dhexda sii socda dhintay”ayuu yidhi.

Dhinaca kalena, Tirada Tahriibka Dhalinyarada Reer Boorame ayaa iyana la sheegayaa in aad looga dareemayo isla markaana ay Xidida ka ruqeen Xoogii ay magaaladdaasi lahayd, waxaana soo baxaya Tibaaxo sheegaya in Dhalinyaradii Gobolka Awdal af-ka saartay Jidka Halaaga Badan ee Tahriibka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay  Maamulka Somaliland  oo lagu joojinayo Tahriibka dhalinyaradda dalka ka baxaysa, laakiinse Hay’ada Barkacayaasha aan Caadi ahayn ee IOM fadhigeeda Somaliland ayaa fariin ay ku soo dirtay Taleefoonadda ka gacanta kaga digtay in Dhalinyarada Jaamacaddaha ka baxay Tahriibaan.

Sababta keentay Tahriibka dhalinyarada ayaa dadka intiisa badani isku raacsanyihiin inay tahay shaqo la’aan baahsan iyo dhaqaale xumadda wadanka ka taagan oo siyaadaysa, taasoo waalidin badan oo Ubadkooda ka  baajin lahaa tahriibka hadii ay dhaqaale u hayaan ku khasabtay inay fasaxaan Bad iyo Beri meeshuu doono haka soo cabee.

Inkasta oo qofkasta oo Tahriibayaa ogyahay Khatarta ku gedaaman Nolosha sibiq-dhaqaaqa, hadana sii korodhka dadka u badheedhaya ayaa ah mid halisteeda leh, waxaanay hal-xidhaale ku tahay Hal-hays caanbaxday oo wakhtigii Rayaale Xisbiga Kulmiye ku dacaayadanyn jiray Xukuumaddii udub, taasoo ahayd “UDUB way tegaysaase ha tahriibin walaal”.

Ereyadan oo soo baxay sanadihii 2005 ilaa 2010 oo ahaa wakhtigii ay dalka ka baxeen kumanaan qof oo dhalinyaro iyo dad waaweynba isugu jiraa, ayaanay ilaa hada waxba iska bedelin, waxaana muhiim ah inay Xukuumadda madaxweyne siilaanyo dhakhso u soo bandhigto qorshe deg-deg ah oo lagu baajin karo Hilowga dhalinta wadanka ka haajiraya.

Xigasho    Waaheen

Maakhirnews

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed