|

Baarlamaanka Soomaaliya Oo ansixiyay Raysal wasaaraha cusub

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kadib kulan ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho oo ay soo xaadireen xubnaha Baarlamaanka oo gaaraya 215 xubnood ayaa Ra’iisul Wasaaraha halkaasi lagu ansixiyay.

Madasha ay ka dhaceysay ansixinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Shirdoon.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kala tashaday Bulshada Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in qorshaha ugu weyn ee uu qaban doono ay tahay ka shaqeynta arimaha Bulshada iyo sidoo kale dib uheshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la ansixiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proffessar Maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda afarta sano ee soo socota uu yahay Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed