Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaalida Ee Dalka Uganda Daawo Sawirrada
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley kulan kula qaatay caasimada Kampala ee dalka Uganda,  jaaliyadda Soomaalida ee halkaas ku nool.
Kullanka oo ahaa mid ballaaran, ayaa waa looga hadlaayay isbadalka ka dhashay Soomaaliya iyo taageerada Jaaliyadda Soomaalida ay u hayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ugu warbixiyay qorshaha dowladda uu soo dhisaayo oo ku tiirsan lix tiir oo muhiim ah, waxana uu Jaaliyadda Soomaalida u sheegay in waddanka aan looga maarmin taageradooda, isla markaana ku boorriyay inay garab istaagaan dowladdiisa cusub.
Dhammaan dadkii ka qeybgalay kulanka ayaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka soo dhaweeyay, waxana ay ka dalbadeen madaxda inay ku dedaalaan  caddaaladda, si ay dowladda u guulaysato.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa ugu horreeya ee dibedda uu ku aado ku jooga Kampala, tan iyo markii la doortay 10-kii bishii, halkaas oo  u tegay ka qaybgalka 50-guurada xorriyadda Uganda oo ku beegnayd shaley.

 MaakhirNews.com
MaakhirNews@hotmail.com
Magaalada Kampala









