Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii Madaxweynenimada Soomaaliya
Muqdisho Soomaaliya: Waxaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay
madaxweynenimada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynenimada uga adkaaday Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka September 2012 Soomaaliya, waxay leedahay Dowlad iyo madaxweyne lagu soo doortay gudaha Soomaaliya, kaasi oo ay soo doorteen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib doorasho waqti dheer socotay. Xasan Shiikh Maxamuud ayay tartanka doorashada Madaxweynenimada Soomaaliy isugu soo hareen Shiikh Shariif Shiikh Axmed kaddib markii ay wareeggii labaad doorashada ka tanaasuleen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo C/qaadir Cosoble Cali oo wareeggii labaad u soo gudbay Markii ay codbixint soo gebagebowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo ku dhawaaqay natiijada doorashada, wuxuuna sheegay guud maray sida Wareeggii ugu dambeeyay ayay labada musharrax kala heleen Xasan Shiikh Maxamuud                                              Shariif Shiikh Axmed 190 cod                                                                           79 cod Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo gudaha dalka Soomaaliya ka dhacda, isla markaana lagu soo doorto Madaxweyne Soomaaliyeed, iyadoo horayna gudaha Soomaaliya Gudo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in 42 sano kaddib ay doorasho xaq ah ka dhacday dalka Soomaaliya, lana soo doortay dowlad aan KMG ahayn, wuxuuna u mahadceliyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in doorashada looga adkaadaa ay u dhacday si xor ah oo xaq ah, uuna u hoggaansami doono Kaddib wuxuu sheegay in si aanu ammaanka gacanta uga bixin ay taliyayaasha ciidamada qalabka sida ka qeybqaadan doonaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Wuxuu ku kaftamay in uu illoobay in uu u mahadceliyo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, sababtana wuxuu yiri “Waad iska garan kartaa”. Madaxweynaha cusub ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo isla goobta lagu dhaariyay ayaa wuxuu ka hadlay munaasabaddii lagu doortay, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay xildhibaannadii soo doortay iyo kuwii aanan soo dooran, wuxuuna ammaanay madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed oo uu sheegay in ay saaxibo ahaayeen, weligiisna uu ahaan doono Wuxuu sheegay Soomaaliya in uu u baryay waa’ cusub oo horumar iyo barwaaqo ah, wuxuuna caddeeyay in uu horay u sii wadi doono halka uu maanta taagan yahay dalka Soomaaliya, aysanna jiri doonin wax dib u dhac ah Ugu dambeyntina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in caleemo-saarka madaxweynaha dib laga soo sheegi doono
