Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mudane ilkajiir oo Kulan Nabada Lagu Xoojinayo Xaruntiisa Ku Qabtay
Xarunta wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa maanta lagu qabtey kulan lagu xoojinayo heshiis horey u dhaxmarey laba beelood oo walalo ah kuwaasi oo ku dirirey gobolada Karkaar iyo Bari.
Beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan ayaa la heshiisiiyey bishii Mar2012 ,waxana ka qaybgalay madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole.
Kulankii maanta ayaa waxa ka soo qaybgalay odayaasha dhaqanka labada beelood ,wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ,Wasiirka Cadaalada Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ,wasiir ku xigeenka Amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil iyo xubnaha guddiga dhexdhexaadinta labada beelood qaabilsanaa.
Agaasimaha guud ee Arrimaha gudaha Cabdilaahi Siciid Aw Yuusuf ayaa bilowgii ka waramay heshiiska labada beelood dhexmarey iyo marxaladihii kala duwan uu soo marey ,waxan uu mahad uu soo jeediyey dhamaan intii gacan ka geysatey oo maamul iyo odayaalba iska leh.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen.Ilkajiir ayaa dhankiisa ka waramay dhibaatadii ka dhalatay dagaalka labada beelood ,isagoona sheegey in loo baahanyahay haatan in dib loo soo celiyo wada noolaashihii iyo walaaltinimadii ka dhaxeysey beelahan wada dega.
Inkastoo aan si rasmi ah loo tiro koobin haddana waxa la sheegaa in tiro badan oo dad iyo duunyo leh ka barakaceen deegaano ku yaal gobollada Karkaar iyo Bari markii uu socdey dagaalka beeluhu.
Sidoo kale mid ka mida waxgaradka beelaha la heshiisiiyey ayaa sheegey in dowladda Puntland haatan looga fadhiyo inay wacyigelin sameyaan ku aadan is-dhexgalka bulshada ,deris wanaaga iyo xalay dhalay laga noqdo dhibkii dhacey.
Xalinta khilafaadka beelaha Puntland ayaa si weyn waxa lagu amaana xukuumada hatan jirta oo hormuudka ka yahay Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole iyo Jeneral cabdulahi axmed matan Ilkajiir
Maakhirnews
Faahiye ciise garaad
