Prof Maxamuud Jaamac Xaamud oo Usharaxan Raisalwasaaraha Somaliya
Prof Maxamuud Jaamac Xaamud oo ah Aqoonyahan  ka soo Jeeda Gobolada Puntland Gaar ahaan G/Sanaag ayaa Ku dhaqaaqay inuu usharaxan yahay Jagada Raisalwasaaranimo ee Somaliya taasi oo laga Sugayo Dr Xasan Sh. Maxamuud Cismaan Madaxwaynaha Cusub ee Somaliya inuu Soo Magcaabo Prof Maxamuud Jaamac Xaamud wuxuu Wakhti badan ku Nool dalka Maraykanka waxana aad loogu Dhex arkaa Doodaha Arrimaha Somaliya Lagu Lafa Gurayo isaga oo Shirkii Balaadhnaa ee Arrimaha Somaliya looga hadlayay ee Dhawaan Dalka Turkigu Marti Galiyay uu ka mid ahaa Aqoohaniintii Somaliyeed ee lagu Casumay Masuulkan ayaa ah Nin Xidhiidh Wanaagsan la leh  Maamul Goboleedka Somaliyeed Puntland isla markaana Kalsooni Aan la Dhayal-San karin la leh Masuulinta Maamulka Puntland,waxana ay Taasi Suura Galinaysa  in Loo Badhi-taaro Xafiiska Raisalwasaaraha Somaliya Jaamacadda  Cornell University ee dalka Maraykanka ayuu Tacliintiisa Sarre ku Qaatay isaga oo ka mid ahaa Dhowr Ruux oo Darajo Sare ka Gaadhay Jaamaacdaasi
MaakhirNews.com
