Musharaxa Cabdi Ismaaciil Samatar oo Baaq Ujeediyey Isimo Gaara Isagoo Dadka iyo Dalka Puntland Durba Doonaya Inuu Mudnaan Gaara Kala Siiyo
Wasiirkii hore amniga Dawladda Puntland ahna Musharax u taagan Jagadda Madaxtinmada Gen Cabdillaahi Siciid Samatar ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole ee ahaa in Dadka dhaliilsan Siyaasadiisa ay sameystaan Xisbiyo ayaa sheegay in taasi tahay handadaad isla markaana aan la qaadan karin in wakhtigaan Nidamka Axsaabta badan aysan hirgelayn taasina ay tahay qorshe uu Mudada ku dheereysanayo  Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole.
Gen Cabdilaahi Siciid Samatar oo hadda ku sugan dalka Ingisiriiska caasimadiisa Landon ayaa sheegay in Puntland ay wada dhisteen Shacabka ku dhaqan balse Hadana Musharaxu Waxaa uu Mudnaan Gaara Siiyey Isimada Kasoo Jeeda Puntlandta  Koonfureed Isaga oo Kala Qoqobaya  Dadka Wada Dhistay Maamulka Puntland
Wuxuuna tibaaxay in Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole uu u sheegayo in dadka Shacabkiisa ah uusan diktaateer ku noqon lagana rabo inuu doorasho diyaar u noqdo isgana dhaafo marmarsiiyaha uu hadda
Musharaxa Gen Samatar ayaa ku sifeeyey in aysan Dimuqraadiyad ahayn Shacabka oo loo diido inay dhiibtaan afkaartooda Saliimka ah iyadoona loo baahanyahay buu yiri inaan Odayaasha Dhaqanka Xafiisyadooda albaabada loo laabin,inaan dadka kusoo bandhigay dareenkooda Mudaharaadka laga horjoogsan gaar ahaan magaalada Qardho,wuxuuna sii raaciyey inaan Puntland sidii la rabey aysan uga shaqeyn ama uga jirin Maxakamad Dastuuri ah oo u adeegeysa dadkeeda.
Wuxuu kaloo sheegay in loo baahanyahay in caqliga fiican uu taliyo loogana baahanyahay in Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole uu iskaba daayo inuu qorshaha ku darsado Muddo korarsi isla markaana uu noqdo qof miyir qaba una baahan in laga taliyo amuuraha socda.
Sidoo kale Gen Cabdilaahi waxa uu tilmaamay in uu kamid yahay Aasaasayaasha Puntland uusana dooneyn in marnaba ay burburto,wuxuuna sheegay in Faroole laga rabey inuu Iclaamiyo Shir weyne lagu badbaadinayo Puntland,intaasna waxa uu daray kooxda la shaqeysa Cabdirixmaan iyo isagaba in qofna aysan ka yeeleeyn wakhti korarsi,waa sida uu yiri Generaalku.
Gabagabadii Musharax Gen Cabdilaahi Siciid Samatar waxa   uu baaq kooban uu si gaar ah ugu diray Issimada Beelaha Ciise Maxamauud iyo Cismaan Maxamooud sida Islaan Ciise,Suldaan Maxamed Siciid Garaase, iyo Boqorka Isagoo Tixraacaya inay yihiin Isimada Ugu Muga weyn Puntland Sikastaba Ha Ahaatee Arintaasi Waxay Dhabada Uxaadhaysaa Sida Beelaha Ku Mamay Xukunka Puntland Inaanay Marna Doonayn Inay Jaanis Siiyaan Bulshada Dimuquraadiyada iyo  Midnimada Puntland Markasta Uheelan
Faahiye  Ciise Garaad
Maakhirnews
Maakhirnews
