|

Murashaxiin 25 gaareysa oov caawa la shaaciyey iney ka qeyb galayaan doorashada madaxweynaha Somalia (AQRISO MAGACYADOODA)

Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Somalia ayaa ku dhowaaqay caawa iney dhamaatay xiligii ay u gooyeen qabashada araajida murashaxiinta oo ku ekeyd galabta saacadu markii ay ku beegneyd 5-tii galabnimo afrikada bari.

Afhayeenka guddigaas Cismaan libaax ayaa sheegay in illaa 25 murashax ay soo buuxiyeen shuruudaha looga baahnaa ayna noqon doonaan kuwa sida rasmiga ah ugu tartami doona doorashada madaxweynaha Somalia ee lagu wado iney dhacdo Isniinta soo socota oo taariikhudu ku beegan tahay 10ka bishan Septembar.

 

Murashaxiinta soo buuxiyey shuruudaha oo si hordhac ah aanu u helnay ayaa waxay kala yihiin magacyadooda sidatan:-

 

1-C/raxmaan Macalin Baadiyow

2-C/waaxid Cilmi Goonjeex

3-C/llaahi Axmed Caddow

4-C/wali Maxamed Cali Gaas

5-Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

6-Axmed Ismaaciil Samatar

7-Xasan Sheekh Maxamuud

8-Shariif Sheekh Axmed

9-Yuusuf Garaad Cumar Axmed

10-Cumar Salaad Cilmi

11-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi

12-Bashiir Nuur Xasan Bidaar

13-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin

14C/qaadir Cosoble Cali

15-C/raxmaan C/shakuur Warsame

16-Xuseen Khaliif Jaamac

17-Maxamed Axmed Saalax

18-Salaad Cali Jeelle

19-Ibraahim Cali Xuseen

20-Saciid Ciise Maxamuud

21-Cismaan Maxamed Gacal

22-Maxamed C/llaahi Oomaar

23-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf

24-Maslax Maxamed Siyaad Barre

25-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

 

Xubnahan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen saxiixa labaatankii xildhibaan ee loo baahnaa inay kalsoonida ka haystaan, ayna shubeen lacagihii looga baahnaa ee 10,000-kun ee dollar ahaa iyo shuruudo kale.

 

 

MaakhirNews.com Maakhirnews@hotmail.com  Ahmed ali

 

 

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed