|

Militariga Kenya Oo Ku Dhawaaqay Goorta Ay Qabsanayaan Magaalada Kismaayo

Militariga Dowladda Kenya ayaa waxay shaaciyeen xilliga dhabta ah ee ay la-wareegi doonaan gacan ku heynta Magaalada Kismaayo, iyadoo xilligaan Magaalada Kismaayo ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab.

Xilli Ciidamadda Dowladda Kenya ay soo buuxinayaan aagaga hore ee dagaalada ayaa waxay Saraakiisha Militariga ee Dowladda Kenya ay shaaciyeen, in muddo 1 Isbuuc ah ay ku qabsan doonaan guud ahaan Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidamadda Hawl-galada Dowladda Kenya ee Soomaaliya Colnel Cyrus Oguna, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Nairobi ee Xaruunta Wadanka Kenya, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Kenya ay xaqiijineyso, in gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ay ku qabsan doonto muddo 1 Isbuuc ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tilmaamay in Ciidamadda Dowladda Kenya ay heegan sare ugu jiraan sidii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada Kismaayo, isla-markaana wuxuu sheegay in ugu badnaan ay 1 Isbuuc ku qabsan doonaan Magaalada Kismaayo.

Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay khasaaro culus kala kulmeyso dagaalada xoogan ee ay waqtigaan uga saarayaan inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Kenya ayaa waxay xusul-duub ay ugu jirtaa sidii gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ay u soo gelin laheyd gacanteeda, iyadoo markaasi ku faaneysa inay dagaalada ku jabisay Al Shabaab.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed