|

Kismaayo iyo deegaanada u dhow oo ay duqeeyeen diyaarado iyo maraakiib dagaal

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa wararka ka imaanayaa ay sheegayaan in ay shacabka ku dhaqan cabsi weyni lasoo gudboonaatey kadib markii galabta uu markale duqeeyey markab dagaal oo Kenya leedahay,xaafadaha kismaayo,iyo deegaano hoos yimaada.

Diyaaradaha dagaalka ayaa waxey duqeyn u geysteen deeganada Birta-dheer iyo janaay Cabdalla,oo ay saldhigyo ku leeyihiin xarakada Alshabaab iyadoo ay ciidamada huwanta ahna ay culeys xoogan ku hayaan Alshabaab sidii ay uga qabsan lahaayeen Magaalo xeebeedka Kismaayo.

Dadka deegaanka Kismaayo ayaa sheegaya in laga maqlayey magaalada madaafiic uu soo tuurayo markab dagaal oo taagan xeebta Kismaayo Alshabaab ay u jawaabeyso balse aysan ogeyn ilaa hada wax khasaare ah oo uu geystey, balse ay sheegeen in xaalada nololeed ay aad u adagtahey.

Dhinaca kale afhayeenka milateriga dalka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegey in maraakiibtooda dagaalku ay duqeymo ka geysteen magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose,ilaa iyo hadana lama oga khasaaraha dhabta ee ay geysatey duqeyntaasi.

Dhanka kale Alshabaab ayaa ku wargalisey dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo iney iska cararaan 24saac gudahood,waxeyna ku sababeeyeen in magaalada uu saraan yahay dagaal culus oo dhinaca cirka,dhulka iyo badda,iyadoo Alshabaab ay isku diyaarineyso sidii ay iskaga difaaci lahaayeen.

Magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose oo ay ka arimiyaan ururka Alshabaab ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafey waxaa ka soconayey duqeymo xoogan oo ay geysanayeen diyaarado iyo maraakiib dagaal oo ku sugan xeebaha Gobolka Jubada Hoose,iyadoo horey ay madaxda AMISOMna ay u sheegtey in ay bartilmaameed sanayaan saldhigyada ururka Alshabaab.

 

MaakhirNews.Com

MaakhirNews@hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed