|

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo si rasmi rasmi ah ugu dhawaqay Furashada Axsaabta siyaasadeed.

Garowe(maakhirnews):- Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Furashada Axsaabta Siyaasadeed ee Puntland.

Shir-saxaafadeed ay si wada jir ah xarunta Hay’adda Cilmibaarista Puntland maanta ugu qabteen xubnaha guddiga Kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland iyo Guddoomiyaha guddiga islamarkaana ay goobjoog ahaayeen Masuuliyiinta Hay’adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa looga dhawaaqay in ay furan yihiin islamarkaana la samaysan karo Axsaabta Siyaasadeed ee Puntland.

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre oo shir-saxaafadeedkan ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muwaadiniinta reer Puntland ay Axsaabta Siyaasadeed ee Puntland furan karaan laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 11ka September 2012.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ku dhawaaida arrintani dastuuriga oo mudo badan soo socotay guddiguna uu ka shaqaynayay uu shacabku aad uga dhursugayay islamarkaana ay jiraan dad badan oo sugayay ku dhawaaqida arrintan si ay axsaabtooda u samaystaan.

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre wuxuu sheegay in guddigiisu ay farsamo ahaan mudo ugu hawlanaayeen dardargalinta Geedi-socodka Hanaanka dimoqraadiyada ee Puntland islamarkaana ku dhawaaqida furashada Axsaabta ee maanta ay ka dambaysay markii la soo dhamaystiray hanaankii ansixinta islamarkaana Golayaasha dawlada oo Baarlamaanku uu ugu dambeeyay ay ansixiyeen xeerarkii axsaabta siyaasadeed ee Puntland lagu hagi lahaa, Madexweynuhuna uu saxiixay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mudada diiwaangalinta Axsaabta siyaasadeed ee Puntland ay tahay 3-bilood oo ka bilaabmaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 11ka September 2012, Marka ay dhamaatana wuxuu hubinayaa ururada buuxiyay shuraadaha furashada axsaabta siyaasadeed ee guddigu uu soo gudbiyay.

Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay C/risaaq Axmed Shoole oo xubin ka ah guddiga Doorashooyinka Puntland wuxuu saxaafada u akhriyay Hanaanka iyo Habraaca Diiwaan galinta Ururada Siyaasadeed ee Puntland.

Hoos ka akhriso qodobadan oo Nuqul ka mid ah ay Puntlandi heshay.

 

HANNAANKA IYO HABRAACA DIIWAANGELINTA URURRADA SIYAASADEED EE PUNTLAND

 

1. Guddiga Doorashhooyinka ee KNIG ayaa ka masuul ah qabashada araaajida diiwaan-gelinta ee ururada siyaasada iyo xafidaada dukumantiyada ay U soo gudbiyaan ururradu.

2. Guddiga Doorashooyinka ee KMG waxay ku baahinaysaa Warbaahinta dalka bilowga muddada qabashada Codsiyada diiwaangelinta ururrada siyaasadeed oo ka bilaabanaysa 11Ka September 2012.

3. Wakhtiga kama danbeysta ah ee la qabaanyo araajida waa 05:00 Galabnimo ee maalinta ugu danbeysa qabashada araajida oo ah 10 December 2012.

4. Foomka qabashada araajida waa inuu saxiixo madaxa ururku waxana Iagu soo ridayaa labo bushqadood oo ay korka ka qoran yihiin Asal iyo nuqul.

5. Muddada Qabashada Codsiyada Diiwaan galintu waa saddex bilood oo ka bilaabanta maalinta 11 Seg 2012.

6. Urur kasta oo doonaya in loo diiwaangeliyo urur siyaasadeed waa inuu ku soo qortaa arji foomka Ioogu talagalay, kuna soo hagaajiyaa Guddiga isagoo arjiga ku Iifaaqaya caddaymaha iyo qoraalada soo socda:-

a. 10 Nuqul oo daabacan oo ah xeerka ururka . Liiska magacyada aassaasayaasha ururka.

C. Liiska Assaasayaasha Ururka iyo Xeerka ururka waa in Iagu soo hor

d. Liiska magacyada Golaha Dhexe ee Ururka.

e. Caddeyn maqal iyo muuqaal ah oo muujinaysa goortii iyo goobtii ururku

f. Liiska Magacyada Guddida fulinta ee Ururka

g. Qaab-dhismeedka ururka oo ay ku Caddahay magaca ururka oo dhan saxiixaa Nootaayo sharciyeysan. ku qabtay shirkii assaaska ururka ee ugu horeeyay iyo habka uu u qormayo marke la soo gaabiyo, calaamadaha ururka iyo hal-ku­dheggiisa. ururka,|VVM.

h. Cinwaanka ururka oo dhamaystiran sida: Telephone, Emailka, Xafiiska

l. Caddeyn bixin deebaaji dhan  15,000 (shan iyo toban kun oo Dollar) oo aan Celis lahayn, Waxaana lagu shubayaa bangiga dhexe ee dawladda Puntland.

j. Nlagacyada 2 qof oo xirriiriyaal ah iyo Cinwaannadooda ( Telephone iyo Email)

7. Waxaa Iaga rabaa urur kasta inuu guddiga doorashooyinka ka hubiyo in magacaiyo astaanta uu Wato aan urur kale horey u qaadan.

8. Waxaa araajida Iagu soo hagaajinayaa xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ku taala Nlagaalada Garoowe ka soo horjeedka Xarunta Diakonia. Foomamka waa in la keeno xarunta dhexe ee Guddiga. Waxa uu Guddigu siinayaa urur kasta markuu Keeno araajida Caddeyn muujinaysa ka qabashada arjiga. Waxaa kaloo ururka ku waajib ah inuu qaato Caddeynta.

9. Waxaa Iagu Wargelinayaa ururrada inay araajidooda ku keenaan muddada loo Cayimay.

10. Urur/xisbi kasta waa inuu xubin ka noqon Karo qof kasta oo ah muvvaadin Puntland ah.

12. Urur/xisbi kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan yahay shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale Puntland.

13. Araajida iyo Iifaaqyada la socoda waa dukumantyo ummadded ( Public document). Guddigu wuxuu xaq u Ieeyahay inuu weydiisto madax aururka Wixii macuulmaad dheeraad ah ee uu u baahdo.

14. Xoghayaha Guud ee Guddiga, ama xubin ka tirsan GDPee  oo Guddigu u idmado marke uu maqanyhay xoghayaha guud ayaa ka qabanaya ururrada araaajida.

15. Mudada u dhexaysa 11Dec 2012 ilaa 10 Feb 2013 Waxaa loo qondeeyayin guddigu sameeyo hubin ururku inuu buuxiyay shuruudaha ku qoran xeerka ururada/ xisbiyada siyaasadeed ee Dawladda Puntland. shuruudaha Iahubinayo waa:

a. Goortii iyo goobtii ururku ku qabtey shirkii golaha dhexe ee ugu horeeyay ururka. Caddeyn maqal iyo muuqal ah oo muujinaysa qabashada shirka golaha dhexe iyo qaabkii loo doortay hogaanka ururka.

b. Liiska Ciwaanada xarumaha ururka ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

C. Liiska taageerayaasha ururka ee gobolada Puntland oo dhan, gobol walba Waxaa Iaga rabaa ugu yaraan 300 oo taageerayaal ah vvaana inay buuxiyaan shuruudaha Codbixinta.

16. Sida ku qoran Dastuurka Puntland Waxaa reeban ururada iyo xisbiyada Ieh muuqaal Ciidan ama qabiil.

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee KMG.

Xarunta Dhexe ee Guddiga

maakhirnews.com

faahiye  ciise

 

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed