|

Garoowe Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo Joojisay Hilibka Jaqiiqda

dowladda Puntland ayaa shaacisey maanta 25 Septemeber,2012 in la joojiyey gebi ahaan dhoofinta xoolaha yar yar ama jaqiiqda kuwa loo yaaqaan.

Shir jaraa’id uu ku qabtey xafiiskii Garowe wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ayuu warfidiyeenada u akhriyey warqad ka soo baxdey wasaarada islamarkaasina ku socota waaxyaha kala duwan ee dowaldda Puntland oo lagu joojinayo dhoofinta dhamaan Ariga yar yar.

Waxa uu go’aankan u sababeeyey wasiirku dabar’go ku iman kara xoolaha Puntland oo uu sheegey in wasaaradiisu xil ka saaran yahay daryeelka ,xanaaneynta iyo dhowrista xoolaha Puntland oo saameyn ku leh nolosha aadamiga.

Waxa la mamnuucey gebi ahaan dhoofinta xoolaha aan gaarin xiligoodi oo ka kooban noocyada kala duwan sida Geela ,Lo’da iyo Arigaba.

Wasiirka ayaa ku goodiyey in ciqaab la marin doono cid kasta oo lagu qabto iyada oo dhoofineysa xoolahan la mamnuucey hadii ay noqon lahaayeen masuuliyiin ama gacancsato.

Maamulka Dekedda Bossaso iyo Garoomada Puntland ayaa amar lagu siiyey inay qabtaan sharcigana horkeenaan cid kasta oo isku deyda inay dhoofiso xoolahan ama hilibkooda.

Wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ayaa sheegtey in marar hore ay arintan ka hadleen balse aan cidna qaadan taladaasi,waxana ay sheegtey inay khasaari doonaan ganacsatada soo iibsata xoolaha yar yar oo isku deya inay ka dhoofiyaan Puntland.

Maakhirnews.COM

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

1 Response for “Garoowe Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo Joojisay Hilibka Jaqiiqda”

  1. Aanand says:

    Kan Shabaab uma eka mana ahan waa un dabadhilif ayaga ka mid ahaa ee raaban inay shacabka Muslimka Somaliyeed siraan. Wax rumaystay maba jiraan. Al-shabab waa dad diintooda Islamka ku toosan lagama yaabo inay gaalo noqdaan. Bakistani ayeey dhahaayaan waa wax lagu qoslo, waxay raaban inay gaalada ay walaalaha yihiin inay lacag ugu qaataan markay ku fashilmeen waxii loo soo kiraystay ee murtadnimada ah. Al-shabab way sheegeen inuu ninkaan usan aheen Mujahid. hadii uu shabaab yahay cadeen aaway?

Comments are closed