Diyaarado Garaacaaya daafacyo ay Shabaabku ka Sameysteen Birta Dheer iyo Buulo Gaduud inta u dhaxeyso
Diyaaradaha dagaalada ee Dowladda Kenya ayaa waxay duqeymo culus ay ku wadaan daafacyo ay Xoogaga Shabaab ku lee-yihiin inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Duqeymahaan ayaa waxay xoogoodu ku soconayaan inta u dhaxeyso Deegaanada Birta Dheer iyo Buulo Gaduud, oo labaduba ku yaalla inta u dhaxeyso Degmada Afmadow iyo Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose Duqeymahaan oo soconaaya muddo dhawr saacadood oo xiriir ah ayaa wuxuu qorshuhu yahay in lagu burburiyo daafacyo adag, oo Shacabka ku dhaqan Deegaanka Buulo Gaduud oo ilaa 30km u jirta Magaalada Kismaayo, ayaa waxay ku soo waramayaan inay maqlayan daryanka sawaxanka gantaalaha ay tuurayaan maqlayan daryanka sawaxanka gantaalaha ay tuurayaan diyuuradaha dagaalada ee Kenya Ciidamadda Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni oo Arbacadii la-wareegay Deegaanka Birta Dheer ayaan tan iyo Arbacadii ka soo dhaqaaqin Deegaankaasi, bacdamaa baqdin laga muujiyay in Shabaabku ay miinooyin ku daadiyeen wadooyinka, balse waxaa soconeysa baaritaano looga hortagaayo miinooyinkaasi, si uu u yaraado khasaaraha Ciidamadda Huwanta oo doonaaya inay la-wareegaan Magaalada Kismaayo. Haddii Xoogaga Shabaab ay isaga baxaan Deegaanka Buulo Gaduud amaba laga saaro, ayaa waxaa markaasi la-rumeysan yahay in Ciidamadda Huwanta, ay heli doonaan fursado ay ku soo aadaan dhinaca Magaalada Kismaayo. Afhayeenka Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu Khamiistii uu sheegay inay si taxadar leh ay ku taggi doonaan sida uu sheegay Magaalada Kismaayo, isla-markaana aanu ku deg deggi doonin qabashada Magaalada Kismaayo.
MaakhirNews.com
