Deg Deg: Qof Naftiisa Miineeyay Oo Isku Qarxiyay Maqaxi Ay Ku sugnaayeen Dad Shacab ah
muqdisho(maakhirnews):Qaraxyo ay fuliyeen dad lagusoo xeray qaraxyo ayaa goordhow lala eegtay maqaayad kuwa shaaha laga cabo oo ku taala magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ayaa waxaa fuliyey sida aan wararka ku heleyno Laba ruux oo qaraxyo lagusoo xeray kuwaasi oo iyagu isku qarxiyey goobaha ay ku badnaayeen dadka maqaayada ku shaahayey halkaasi oo qasaare lexaad leh uu ka dhashay.
Maqaayada qaraxyadan lala eegtay ayaa waxaa lagu magacaabaa Vilagge waxeyna ku dhegentahay guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho waxaana dadka meesha ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay u badan wariyeyaal.
Qasaaraha dhabta ah ee goobta ka dhashay si rasmi ah looma xaqiijin karo xaaladda goobta ay qaraxyadu goordhow ka dhaceen oo si aad ah u kacsan balse waxaa wararka hordhaca ah ay sheegayaan in dadka dhintay ay gaarayaan Toban ruux dhaawacana uu kor u dhaafayo 20.
Dhaawacyada waxaa hada loo daabulayaa isbitaallada magaalada Muqdisho waxaana wararka ay sheegayaan in labada ruux ee is qarxiyey uu mid ka mid ah isku qarxiyey goobaha ay dadka badani fadhiyeen.
faarax cuun
maakhirnews
