DEG DEG: Labo Musharax oo iska casishay tartanka doorashada iyo 22-Musharax oo isugu soo haray Tartanka
Gudiga doorashada Madaxweynaha ayaa goor dhow ku dhawaaqay in labo ka mid ah Musharaxiinta oo ku sugan Hoolka ay ka dhaceyso doorashada ay tanaasul sameeyeen, kuwaasoo ka mid ahaa 25-ka Musharax ee horay u buuxiyay shuruudaha, Khudbadaha ka hor-jeediyay Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Gudiga doorashada Drs Maryan Cariif ayaa ka sheegtay fadhiga ay ku kulansan yihiin Baarlamaanka inay tanaasul sameeyeen Musharaxiinta kala ah Xuseen Khaliif Jaamac iyo Bashiir Nuur Bidaar, iyadoo shalay uu Musharax C/raxmaan C/shakuur uu tanaasulay.
Inkastoo aanay wali bilaaban codeynta ayaa hadana waxaa fadhiga waxaa uu yahay mid aad u buux dhaafay, oo ay ku sugan yihiin Diblomaasiyiin ka socota Caalamka iyo Marti sharaf lagu casuumay.
Goor dhoweyd ayuu Gudiga soo gudbiyay waxyaabaha ka mamnuuca ah codeynta, iyadoo Musharaxiinta lagu wargeliyay in aysan marka ay tanaasulaan ka sheegi karin in codkooda ay ku wareejiyeen Musharax kale.
Sidoo kale waxaa la diiday inta ay socoto cod bixinta ama tirinta cododka in la sacbiyo, Talafeenada in lagu hadlo iyo buuqa, iyadoo Gudoonka muddo uu ku mashquulsanaa xasilinta Xildhibaanada oo aad u buuqayay.
Dhinaca kale waxaa laga sugayaa Gudoonka inuu ku dhawaaqo Natiijada cod loo qaaday Xildhibaanadii horay ay u diideen Gudiga farsamada, isla markaana Maxkamada sare ay ogolaatay, iyadoo buuq uu ka dhashay habka gacan taaga ahaa oo Mudanayaal diidanaa ay sheegeen in aanay si xor ah u socon arrimaha taagan.
Sidoo kale waxaa Gudoonka sheegay in ilaa 50-Xildhibaan ay banaanka ku maqan yihiin, isla markaana Xildhibaanada ay ku dhex jiraan dad caadi ah, waxaana uu ku baaqay in la dhowro nidaamka.
Xildhibaanada horay loo diiday ayaa ahaa hogaamiyeyaashii dagaalka, inkastoo Gudigii loo saaray ay ka soo tala bixiyeen, isla markaana ogolaadeen, si Baarlamaanka uu cod ugu qaado.
La soco wixii ku soo kordha.
MaakhirNews.com Maakhirnews@hotmail.com Ahmed ali
