|

Ciidamada Kenya Oo La wareegay Dekada Magaalada Kismaayo

Ciidamada dowlada Kenya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen dekada magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan oo wata doonyo kuwa dagaalka ah ay gudaha u soo galeen Dekada magaaladaasi isla marlkaana haatan ay si rasmi ah ula wareegeen.

Wararku waxay intaasi ay ku darayaan in ciidamadaan Kenya ay wataan Hub xoogan, sidoo kale doonyaha ahy wataan ee kuwa dagaal ah ay ku xiranyihiin qoryaha dagaalka.

Majirin wax iska hor imaad ah oo ay la kulmeen ciidamadaan sida la sheegay maadaama maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay horay kaga sii baxeen magaaladaasi habeenkii xalay.

Lama oga in ciidamadaan ay gudaha u sii gali doonaan magaalada iyo in ay sii joogi doonaan Dekada Magaaladaasi Kismaayo, xili magaalada ay tahay mid haawanahaysa oo haatan uusan ka jirin wax maamul ah.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Kooxda Al-Shabaab iyo waliba saraakiisha Kenya oo ku aadan isbadalkaan ka dhacay magaalada Kismaayo oo muhiim u ahaun kooxda dowlada ku kacsan ee Al-Shabaab.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed