|

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Kenya oo ku wajahan Kismaayo

Iyaadoo ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helayo ciidamada Dowlada Kenya ay qabsadeen Deegaanka Biibi oo ku dhow Kismaayo ayaa haddana waxaa wararka ay sheegayaan in ciidamada dowlada ay ku wajahan yihiin Kismaayo.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garan Militari kahelaya ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa la sheegay inay difaacyo adag ay ka qoteen duledka Biibi iyadoo ciidamada ay usii gudbeen wado aado Kismaayo.

Deegaanka Biibi waxaa uu Kismaayo u jiraa 55 Km ,waana deegaan Muhiim ah,sababto ah waxaa soo gasha labo waddo oo ka kala timaada Qooqaani iyo Degmada Afmadow.

Alshabaab ayaa dhankooda doonaya inay difaacaan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ,halkaasi oo ah fariisinka kaliya ee ugu xoogan oo hadda ay kaga sugan yihiin Koofurta Soomaaliya,waxaana kusoo xiga Buulobarde.

Maalintii shalay ciidamada Alshabaab ayaa wadada u galay ciidamada Dowlada oo kasoo dhaqaaqay deegaanka birta dheer ,iyagoo kusoo jeeda deegaanka Biibi.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan ay ciidamadu la wareegidoonaan magaalada Kismaayo oo ay hadda ku sii wajahanyihiin ciidamadu.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed