Breaking News Markab Ingiriis Ah oo Biyaha Laasqoray Ku Caaryay iyo Ciidamada Degaanka Maakhir oo Gacanta Kuhaya
Wararka aan ka helayno degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ku soo xidhay Markab weyn oo Ingiriisku leeyahay, markabkan oo sida saliid ayaa cillad awgeed biyaha Laasqoray u soo galay.
Waxa goobjoogayaal halkaa ku sugani noo sheegeen in maammulka goonni u goosadka Somaliald damcay inay ku wardoontaan oo faraha la soo galaan soo xidhashada markankan, si ay weji ugu doontaan. Laakiin ciidammada geesiyada degaanka jooga ayaa ka hiray inay soo hawaystaan markabkaas iyo xoolaha uu xamaarsan yahay.
Waxa naloo sheegay in dawladda Ingiriiska lagu wargeliyey in markabkaasi gacan aammin ah ku jiro aan haba yaraatee wax dhibaata ahi soo gaadhi doonin shaqaalaha iyo xoolaha uu sido midna. Markabkaas ayaa waxa la soo deristay cillad farsamada ah.
Xigasho Laasqoray.org
