|

Arsenal oo sheegtay haddii Axada ay garaacdo kooxda Man City, inaan la-dhayalsan karin awooda Arsenal

Tababaraha kooxda Arsenal Macalin Arsene Wenger ayaa ka hadlay ciyaarta adag ay kooxdiisa la yeelan doonto maalinta Axada ah ciyaarta adag ay kooxdiisa la yeelan doonto maalinta Axada ah kooxda haysata horyaalka wadanka ingiriiska ee Manchester City, wuxuuna sheegay in ay u tahay tijaabo uu ku ogaan doono heerka ay kooxdiis joogto xagaagan bilaawga ah. ay kooxdiis joogto xagaagan bilaawga ah Arsenal ayaan laga adkaan afartii ciyaar ee ugu horeysay ee ciyaartay bilawga horyaalka Premier league waxa ay ciyaartii ugu dambeysay 6 gool ku soo dubatay kooxda Southampton, halka City sidoo kale iyadana aan laga adkaan, waxa ayna labada kooxed sameeyeen bandhig wanaagsan Wenger oo maanta oo Jimca ah shir jaraaid qabtay ayaa yiri” ciyaarta waa mid cadeyn doonta heerka ay kooxdeyda gaarsiisan tahay, habka aan u ciyaarno ciyaaraha adag waa midka sheeg doona heerka ay kooxdeyda joogto, horyaalka waa mid adag ciyaarta nagu soo wajahane waxa ay noqon doontaa mid xiisa badan” Macalin Arsene oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in horyaalka xiligaan aan la saadaalin karin cida ku guuleysaneysa waxa uuna sheegay inuu yahay mid u furan koox walba, waxa uuna sheegay in ciyaarta ay axada la ciyaari doonaan Manchester City ay kala cadeyn doonto halka ay awooda kooxda Arsenal gaarsiisan tahay

MaakhirNews.Com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed