|

al-Shabaab Oo Sheegay in ay kabaxeen Kismaayo

Xarakada al-Shabaab ayaa sheegay in dhamaanba xafiisyadii ay kulahaayeen magaalada Kismaayo ay xireen, kadib 5 sano oo maamul Islaamin ah halkaas ka jirey sida ay hadalka u dhigeen.

Shacabka degan Kismaayo ayaa saakey waagu u baryey iyada oo dhamaanba xafiisyadii Al-shabaab ay xiran yihiin magaaladana aysan ku sugneyn.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay Kismaayo ahayd magaalo islaami ah taas oo loo badalay meel ay ku herdamaan Gaalo iyo Muslimiin, waxaana ay qoraalkooda ku yiraahdeen waxaan nahay Ummad aan laga adkaan weligood, waxaana gaaladu ogaan doontaa maalmaha soo socda waxa dhaca.

Ka ixitanka Shabaab ayaa ku soo beegmaya iyada o ciidamo ka tirsan Kenya ay ka soo degeen Xeebta Kismaayo halkaas oo ay furin cusub kaga fureen weliba ayq ayb ka qabsaden dekadda Kismaayo, sidoo kale dagaalka dhulka ayaa uga furan ilaa laba jiho taas oo khasabtey in al-Shabaab ay isaga baxaan Kismaayo.

Ciidamada Kenya ayaa ciida Soomaaliya galay sanadkii hore Bishii Oktoober, waxaana mar danbe ay ku biireen in ay ku shaqeeyaan magaca AMISOM, hawlgalka ah in Jubbooyinka looga saaro Xarakada al-Shabaab ayaa qaatey muddo dheer waxaana ay weli haystaan dhul badan oo jubbooyinka ah.

Magaalada Kismaayo ayaa macne weyn ugu fadhidey Xarakada al-Shabaab waxaana ay ka heli jireen dhaqaalaha u badan ee ay ku maalgeliyaan Malayshiyaadkooda.

Kismaayo waxay ahayd magaalada labaad ee ugu dagaalada badan Soomaaliya marka laga yimaado Muqdisho, waxaa, khilaafka Kismaayo ayaa salka ku haya damac beeleed, waxaana dawladda looga fadhiyaa sidii ay u xalin lahayd in Kismaayo aysan noqon meel beeluhu ku herdamaan al-Shabaab kadib.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed