|

13 Musharax oo tartanka u doortay Hal musharax Al Xaaji Maxamed Yassin [Sawiro]

Kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen 14 musharax oo u taagnaa jegada Madaxweynaha ayaa waxay ku doorteen hal musharax oo u tartami doona Jegada Madaxweynaha.

Musharaxiintan ayaa sheegay inay ku midoobeen hal Xisbi oo ay ugu magacdareen Ururka Wadaniga iyo Isbaheysiga Qaran ee Isbedal dooonka ah (The National Partnership For Change)

Dalladan musharaxiinta oo muddooyinkii lasoo dhaafay kulamo kulahaa magaalada Muqdisho, ayaa horey u shaaciyey in ay ayagu markii hore dhexdooda isu tanaasuli doonaan, isla markaana hal musharax uga tanaasuli doonaan tartankaasi oo lagu wado Baarlamaanka ka dhaco 10 bishan September

Maanta oo Isniin ah ayey Musharaxiintan ay dhexdooda doorasho is reeb reeb ah ka sameeyeen, taasi oo qaadatay sadex wareeg, waxaana ku soo baxay Musharax Al Xaaji Maxamed Yassin Ismaaciil.

Musharaxiinta maanta ku dhawaaqay inay tanaasuleen ayaa waxaa kamid ah:

Prof Axmed Muumin Warfaa

Ismaaciil Maxamed Hurre (Buubaa)

Dr.Xuseen Khaliif Jaamac

Dr.Cabdulqaadir Xaashi Cali (Fish)

Gen. Maxamed Nuur Galaal

Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere)

Eng. Cabdiraxmaan Moallim (Sharaf)

Yaasiin Ibraahim Ciise

Yaasiin Maahi Malim

Maxamed Abdi rahmaan Nadiif

Maxamed Amiin Cabdullahi

Caasha Axmed Cabdalle

Cabdiraxmaan Xaaji Cabdulle

 

Tilaabadan ayaa si weyn loo soo dhaweeyey xili ay horey u jireen musharaxiin badan oo hal jego u wada tartamayey, waana markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya musharaxiin intaas la eg ay isu tanaasulaan oo hal musharax iska soo dhex xulaan.

MaakhirNews.Com

MaakhirNews@hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed