Wariye Maxamud Buneeste Oo Galabta Ku Dhintay Magaalada Muqdisho.
Wariye Maxuud Cali Yare Buneesta Ayaa goor dhaw u geeriyooday Dhaawac galabta ka soo gaaray Israsaaseen Ciidamo Ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ku dhex martay Magalada Muqdisho.
Allah u naxariisree Wariye Buneeste oo ka mid ahaa Saxafiyiinta ka howl gala Magalada Muqdisho, ayaa caawo maqribnoimadii u geeriyooday dhawac Culus oo ka  soo gaaray  israsaaseyn galabta Ciidamada Dowladda KMG ku dhex martay isgoyska xaafada Towfiiq,halkaasi uu Wariyuha hoygiisa uu ku yaalay.
Wariye Buneeste ayaa Dabayaaqadii bishii hore ka tagay Magaalad Nairobi,si uu u soo arko Hooyadiis oo mudooyinkii dambe ku xanuunsaneysay Magaalada Muqdisho,Wuxuuna ka mid ahaaWariyasha Qurbajoogta ku ah Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Wariye Buneesta ayaa lagu Xasuustaa in uu ka miod ahaa Soosaare yaashii Barnaamijyada Idaacada VOD ee Magaalada Muqdisho ,iyo in uu ka mid ahaa Maamulka Websieka www.horyaalmedia.com
Dhanka Kale Maamulka iyo Wariyaasha Bogga MaakhirNews.com ,Waxeey Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan diryaan Dhaamn Bahda Saxaafada  gaar ahaan  qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Wariye Maxamuud Buneeste in uu Samir iyo IImaan ka Siiyo,Waxaan Ialaaheye ug baryeenaa in uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa
Inaa Lilaahi Wa Inaa Leehi Raajicuun.
Maxamed Cali
MaakhirNews.com
Muqdisho Somaliya
