|

Saddex qof oo ku dhimatay iska horimaad ka dhacay Galgaduud

Saddex qof ayaa ku dhimatay iska horimaad ka dhacay deegaanka Ina-mad oo 20 km dhanka koonfur kaga beegan degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud. Iska horimaadka oo salka ku haya muran la xiriira is-qabqabsi dhul wuxuu dhex maray maleeshiyo ka soo kala jeeda beelaha muranka dhulka uu ka dhaxeeyo.

Saddexda qof ee ku dhimatay iska horimaadka ayaa dhammaantood waxay ka soo jeedaan dhinacyadii dagaallamay.

Guddoomiyaha degmada Gadoon ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Axmed Nuur Xasan Maxamed ayaa Shabakada Waamood.com u sheegay inay ciidamo u direen degaanka lagu diriray si ay uga hor-tagaan in dhiig kale uu daato.

Waxaa sidoo magaalada Dhuusamarreeb ka ambabaxay odayaal dhaqameed ka tirsan beelaha dagaallamay si ay uga qeyb qaataan dadaalka lagu doonayo in lagu demiyo colaadda.

Nabaddoon Cali Salaad Xaayow oo ka mid ah nabaddoonada u ambabaxay deegaanka Ina-mad ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay iska-horimaadka, isagoo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda.

Dhinaca maamulka dowladda KMG ah ee degmada Gadood ayaa maanta sheegay inay gacanta ku soo dhigeen kooxo xilliyada habeenka falal amni-darro ah ka gaysan jiray degmada.

Guddoomiyaha degmada Axmed Nuur Xasan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay howlgallo ka sameeyeen waddada laamiga ah ee isku xirta deegaannada Carro-tuurka iyo Maragur oo ay saldhig ka sameysteen kooxaha falalka amni xumada ku howlanaa.

Axmed wuxuu ku eedeeyay kooxahaas inay falal isugu jira dhac iyo jirdil u geysan jireen dadweynaha degmada Gadoon, isla markaana la marsiin doono caddaaladda.

MaakhirNews.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed