General Soomaaliyeed oo dhanka Ciidamada ah oo loo doortay Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah Baarlamaanka Cusub.
Qabiir Soomaaliyeed oo dhanka Ciidamada ah ayaa  loo doortay Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah Baarlamaanka Soomaaliyeed, kaddib markii uu noqday ninkii ugu da’weynaa Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Gen. Muuse Xasan Cabdulle oo 72 jir ah , ayaa inta guddoomiye laga dooranayo sii wadaya baarlamaanka si kumeelgaar ah.
Gen-ka  ayaa ka mid  ahaa rag 3 ah  oo kaddib markii ay dhamaysteen dugsiga Sare Jaamacda Meleteriga Modena loogu qaaday dalka talyaaniga.
Sadexdii nin ee ugu horeeyey ee Dugsi sare ka baxda oo Jaamac loogu qaaday Jaamacada Meleteriga ee Modena ayaa kala ahaa Gen.  Muuse Xasan Cabdulle  Gen. Cadde Muuse Xirsi iyo Gen. Maxamuud Geelle Yuusuf.
Gen. Muuse ayaa waxaa adeer u ah  Halgamaagii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Sikastaba, Gen. Muuse Xasan ayaa baarlamaanka kuwargeliyey in la isu diyaarinayo xubnaha diyaarinaya doorashada guddoomiyaha baarlamaanka waqtiayada soo socda.
Maakhirnews
Faahiye Ciise Garaad
