|

Maxamed Xasan oo kaalinta 13aad ka galay tartanka orodka wiilasha ee 1500m ciyaaraha Olombikada caalamka

Maxamed Xasan oo ka mid ah labada ciyaartooy ee Soomaaliya ku metelaya ciyaaraha Olombikada Aduunka ayaa ka qeyb galay tartanka orodka 1500m ee wiilasha oo caawa ka dhacay magaalada London isagoo galay kaalinta 13aad.

Maxamed Faarax ayaa tartankaas kala qeyb galay orodyahano ka kala yimid qaaradaha kala duwan ee caalamka, waxaana kaalinta 1aad galay orodyahan u dhashay dalka Sacuudiga halka kaalinta labaadna uu galay ciyaaryahan kale oo ka soo jeeda dalka Qadar waxaana kaalimaha loo kala galay sidatan:-
1-SHAWEEN Mohammed (SAUDIA) oo ku orday 3:39.42

2-DRIOUCH Hamza (Qatar) oo ku orday 3:39.67 Q

3-OZBILEN Ilham Tanui (Turkey) oo ku orday 3:39.70

4-KIPLAGAT Silas (KENYA) oo ku orday 3:39.79

5-BRANNEN Nathan (CANADA) oo ku orday 3:39.95

6-BADDELEY Andrew (UK) oo ku orday 3:40.34

7- WHEATING Andrew (USA) oo ku orday 3:40.92


8- BUSTOS David (SPAIN) oo ku orday 3:41.34

9-JURKEVICS Dmitrijs (LATVIA) oo ku orday 3:41.40

10-WOLDE Dawit (ITOOBIYA) oo ku orday 3:41.81

11- SANDELLS Niclas (FINLAND) oo ku orday 3:42.67

12-AARRASS Jamale (FRANCE) oo ku orday 3:45.13

13- MOHAMED Mohamed (SOMALIA) oo ku orday 3:46.16

14- AL-GARBI Nabil Mohammed (Marooco) oo ku orday 3:55.46

Orodyahan Maxamed Xasan ayaa maray wadadii ay martay Zam zam Maxamed Faarax oo galabta kaalinta 7aad ka gashay orodka haweenka 1500 mitir inkastoo Axmed uu ka hor maray oo kaliya hal orodyahan oo ka socday dalka Marooko.

Guuldarooyinka soo wajahay ciyaartooyda Soomaalida ku metelaya tartanka olombikada caalamka ayaa dad badan oo Soomaali ah aysan waxba u arkin iyagoo u aaneynaya dhibaatada iyo burburka Soomaaliya ka jiray 22-kii sano ee u dambeeyey, waxayna xuseen in ujeedadu ay aheyd oo kaliya in calanka Soomaaliya uu ka dhex babado calamada caalamka.

 

 

MaakhirNews.com Maakhirnews@hotmail.com  Ahmed ali dhagajun

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed