|

Daawo Madaxweynaha Puntland oo u dhoofey dalka Ethiopia

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 27 August,2012 uga duuley Garoonka diyaaradaha Garowe dhinaca magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ,wasiirka waxbarashada Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo saraakiil ka tirsan xarunta madaxtoyada Puntland ayaa madaxweynaha ku wehelinayey socdaalkan Ethiopia uu ku aadey.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ka tirasan xukuumadda iyo weliba saraakiisha Qunsuliyada Ethiopia u qaabilsan Puntland  ayaa garoonka ku sagootiyey Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole.

Ilo ka agdhow madaxtoyada ayaa Garowe Online u sheegey in madaxweynaha Puntland uu Ethiopia kula kulmi doono shirkado caalami ah sida kuwa shidaal qodista kawada Puntland ,danjirayaasha dalalka caalamka kuwooda daneeya Somalia ee Addis fadhiya iyo weliba ka qaybgalka Aaska qaran ee Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia Males Zenawi.

Si toos ah looma shaacin inta uu maqnaan doono Madxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo wareysi uu BBC-da Somaliga siiyey  ku celiyey farogelinta ay madaxdii hore ee DF Somalia ku hayaan hawsha guddiga farsamo ee xulista Barlamanka Somalia.

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegey in cid alaale oo u doodeysa in la soo celiyo hogaamiyo kooxeedyadii in ay isku midyihiin iyaga iyo cida u doodeysa waxana uu raaciyey inaysan u qalmin markale dalka inay ka qabtaan jago ama xilal.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed