|

Jose Mourinho Oo Sheegay Inuu Hor Istaagaynin Ku Biirista Nuri Sahin Kooxda Arsenal.

Tabaraha kooxda Real Madrid José Mourinho ayaa u sheegay kooxda Arsenal inuusan hor istaagaynin qorshaha ay kula saxiixanayso ciyaaryahan Nuri Sahin oo Real Madrid ka tirsan.

Naadiga ka dhisan magaalada London ee Arsenal ayaa doonayso in ay si amah ah ku hesho Sahin isla markaasna hadduu anfaco ay hishiis sax ah ka saxiixan doonto.

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Malaga Cazorla ayay Arsenal lasoo wareegtay iyadoo kusoo iibsatay 16 milyan waxana uu u maray caafimaadka iyadoo xidigaas ay kaga maarmi karto haddii xita la hor istaago qorshe uu Nuri Sahin ku imaanayo Emarates.

Sahin oo 23 jir ah una dhashay dalka Turkiga ayaa ku biiray kooxdaReal Madrid kadib markii uu kasoo tagay kooxda Dorrmound waxaana uu halgan ugu jiray sidi uu u heli laaha boos joogto ah oo uu ku yeesho koooxda Real Madrid.

MaakhirNews.com

MaakhirNews@hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed