|

Gudoomiyihii SSC Dr. Saleebaan Xaglatoosiye oo Hargaysa lagu qaabilay.

Gudoomiyihii Jabahada SSC Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa maanta lagu soo dhoweeyey madaxtooyadda Somaliland halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo sida lagu sheegay warsaxaafadeed goor dhoweyd ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdulaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Wefdiga xaglatoosiye ayaa wadahadal ilaa shalay kula lahaa masuuliyiin ka socota Soomaaliland Magaalooyinka Oog, Caynaba & Burco iyadoo shalay gelinkii danbe loo gelbiyey dhanka Magaaladda Hargaysa.

Warsaxafadeedka ka soo baxay Somaliland laguma faahfaahin ajandaha laga wada hadlay waxaa keliya oo lagu soo koobay in wadahalku noqdo mid sii socda iyo in Madaxweynaha Somaliland ku booriyey wefdiga inay sii wadaan wadahadlka.

Suurtagalnimada Xil loo dhiibo Xaglatoosiye.

Sida ay cadaynayaan xogo hoose wadahadlka waxaa ku jira in xilalka Maamulka qayb laga siiyo Hogaanka SSC waxaana suurtagal ah in Dr. Saleebaan Xaglatoosiye lagu soo daro Golaha Wasiiradda Somaliland halkan warar aan la xaqiijin sheegayaan in laga yaabo in loo doorto Gudoomiyaha Golaha Guurtida.

Kayse Cabdi Yuusuf & Somaliland oo horay u heshiiyey.

Horay waxaa heshiis ula gaaray wakhtiyo kala duwan Xukuumada Somaliland xubno ka tirsanaa Jabahadii hubaysnayd ee SSC waxaana ka mid ahaa xubnahaas Xoghayihii Arrimaha Bulshada SSC Kayse Cabdi Yuusuf oo horay u ahaan jiray Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee Puntland & Xariir Maxamuud Axmed oo isna horay u  soo qabtay hogaanka Maamulka Gobolka Cayn ee dhanka Puntland.

Kayse Cabdi Yuusuf wuxuu kula heshiiyey Somaliland sidii uu uga shaqayn lahaa Nabada iyadoo Soomaaliland ka taageertay shir uu ku qabtay Degmadda Widh widh shirkaas oo aan waxba ka bedelin colaadaha ka jira deegaanadaas, markii danbena wuxuu ku dhawaaqay Urur cusub oo ka mid ahaa Ururada Siyaasada ee  u tartamayey ka qayb galka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland inkasta oo uusan ku guulaysan isku daygaas.

4 Aug, ee bishan Madaxweynaha Somaliland waxa uu u magcaabay Keyse Wasiiru – Dowladaha Nabadaynta Gobolada Bari ee Somaliland jagadaas oo ah mid aan horay u jirin.

Jawaabta Khaatumo.

Madaxweynaha Khaatumo ee xiligan Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho sheel) wuxuu ku gacan sayray wada hadalka u socda Somaliland & Gudoomiyihii SSC isagoo sheegay in aanu metelin reer Buuhoodle .

Maamulka Puntland oo bartamihii bishii Julay ee sanadkan wada hadal kula yeeshay Dr. Xaglatoosiye Magaaladda Garoowe wax jawaab ah kama bixin wada hadlkan u socda Somaliland & SSC .

MaakhirNews.com

MaakhirNewa@hotmail.com

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

1 Response for “Gudoomiyihii SSC Dr. Saleebaan Xaglatoosiye oo Hargaysa lagu qaabilay.”

  1. It’s really a great and helpful piece of information. I’m happy that you just shared this useful information with us. Please keep us informed like this. Thanks for sharing.

Comments are closed