Arsenal Oo Ku Qamaamtay Suuqa Xidigaha Iyo Cazorla Oo La Filayo Saacdaha Soo Socda Halka Nuri Sahin Isku Diyaarinayo
Tababare Arsene Wenger oo aad loogu eedeeyo saxiix la,aanta xidigo la yaqaan ayaa sanadka seefta gasha kala baxay isagoo horey usoo iibsaday labada xidig ee Giroud iyo Padolski hadana kusoo daraya laba kale oo ka imaanaya horyaalka Spain.
Santi Cazorla oo u ciyaara xulka Spain iyo kooxda malaga ayaa la sheegayaa inuu maray tijaabadii ama baaritaankii caafimaad ee kooxda Arsenal, waxaana maalma yar lagu dhameystirayaa heshiis 4 sano ah oo ku kacaya aduun gaaraya ilaa iyo 20 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah, waxa uuna noqon doonaa ninkii ugu qaalisanaa oo ay abid Arsenal soo iibsato.
Xidigan oo ka ciyaara weerarka qadka dhexe ama geesaha ayaa kamid ahaa xulkii Spain ee hantiyay koobkii aduunka iyo kuwii yurub 4tii sano ee ugu danbeysay, waxaana la sheegaa inuu aad ugu wanaagsanyahay kubada ama laadadka dhaadheer iyo weliba kubad dhiibida da’diisuna waa 27 jir.
waxaa isna la saadaalinayaa in maalmo yar gudahood uu kooxdan waqooyiga London kusoo biiro Nuri Sahin oo u dhashay dalka Turkiga laakiin u ciyaara kooxda Real Madrid, heshiiska labada koox ayaa la sheegay inuu ku bilaabanayo mid amaah sanad ah, kadibna ay kala iibsan karaan hadii ay ku heshiiyaan
Sahin ayaa isna ah nin ka ciyaara qadka dhexe, warbaahinta ayaana bilaabay in labadan xidig ay la meel dhigaan bedelka Nasri iyo Fabregas oo sanad ka hor isaga hayaamay Arsenal.
MaakhirNews.com
MaakhirNews@hotmail.com
