Afgooye: Ciidan Rasaas ku Furay Banaanbaxayaal iyo Dad ku Dhintay
degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamo katirsan kuwa Dowladda ay rasaas khasaare geystay ku fureen dad banaanbax ka dhigaayey gudaha degmadaasi.
Mid kamid ah dadka banaanbaxa dhigaayey ayaa sheegay in iyaga oo si nabad u dhigaaya banaanbax ay uga soo horjeedaan masuuliyiinta maamulka gobolka ay rasaas ku fureen Ciidamo Dowladda katirsan taasi oo sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale.
Sidoo kale qofkaan ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan banaanbaxa ay uga soo horjeedaan masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu xusay in Ciidamadii rasaasta furay ay xir xireen 6-qof oo mid kamid ah ay haweenay tahay.
Maamulka Dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose weli wax war ahkamasoo saarin dadka banaanbaxa ka dhigaayey ee Afgooye lagu rasaaseeyey, waxaa inoo suurageli waayey xiriirro kala duwan oo aan la samaynay masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka socday banaabaxyo ay dhigaayaan dadka deegaanka kuwaasi oo kasoo horjeeda maamulka Dowladda ee gobolkaasi.
MaakhirNews.com

