Xukuumadda KMG Ee Soomaaliya oo Cambaareysay Qaraxii Maanta Lagu Khaarajiyey Wasiirkii Hore ee Ganacsiga
Wasiirka arimaha gudaha DKMG Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud oo galabta la hadlay wariyaasha ayaa cambaareeyay weerarkii qaraxa ahaa ee maanta lagu dilay Allah ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga ee xukuumadda Maxamed C/laahi Farmaajo.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa falkaasi ku tilmaamay mid cadawnimo ah oo lagu ciribtirayo dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed, iyadoo wasiirku u tacsiyeeyey shacabka guud ahaantiisa.
“Waxay muujineysaa cadawtinimada ay Al Shabaab u qabaan shacabka Soomaaliyeed iyo siday dadka dhiigooda u baneysteen” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha DKMG Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay ku dadaali doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen arimaha amaanka ee gudaha, si loo xaqiijiyo amaanka caasimada oo dhowaan uu ka furmayo shirka ansixinta dastuurka.
Waxaa qaraxa sidoo kale maanta cambaareeyay raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas.
Dhanka kale taliska booliska ee gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in miino lagu xiray kursiga baabuurka uu sababay geerida wasiirka hore Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo sidoo kale ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu yaraan saddex ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa maanta oo ka dhacay meel u dhow Bacadlaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyaga fuliyeen qaraxa maanta lagu beegsaday xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne.
MaakhirNews.com MaakhirNews@hotmail.com
