Xog Hoose- Mashruuca Dekeda Laasqoray oo la doonayo in sidii SDRA la joojiyo! Yaase ka danbeeya- Akhriso Xogtan
Waxaa deegaanka balaaran ee barakaysan ee beesha Maakhir ka socda kacdoon shacbi oo ku aadan dhinaca Horumarka iyadoo kacdoonkaasi iyo geedi socodka horumarka ay horseedeen naftood horuyaal uu ugu horeeyo Eng Faysal Axmed Yusuf oo ku magac dheer Faysal Hawar.
Kacdoonkan horumarineed ee ka socda deegaanka ayaa waxa saldhig u ah mashruuca dibu dhiska dekeda Laasqoray oo in mudo ahba ku jirtey riyada ah in hal mar marsadii qadiimihi aheyd dib loo dhiso oo dib looga caano maali sidii berisamaadkii aheyd.
Hana qaadka iyo dhameystirka Dekeda Laasqoray waa hubaal iney horseedi doonto horumar la taaban karo iyadoo ay noqoneyso Laasqoray isha horumarka deegaanka Maakhir isla markaana doorkeedii sooyaalka aheyd dib usoo nooleysiin doonta waayo markii ay Marsadii qadiimiga aheyd ee Laasqoray ay shaqeyn jirtey waxay aheyd isha xadaarada iyo ilbaxnimada Soomaalida iyadoo berisamaadkii la tartartami jirtey Dekedihii berisamaadka ee Saylac, Bulxaar iyo Warsheekh.
Tusaaleyn iyo tusmo waxaa ku filan horumarka aanu ka sheekeyneyno haraaga daarihii awoowayaasheen ee qotomo magaalada Laasqoray oo aad qaarkood arkeysid iney ka koobnaayeen dabaqyo gaadhaya 5 dabaq iyadoo xiligaas aan deegaanada Soomaalida lagaba aqoon wax dabaqyo ah.
Qalfoofaha daarahaas oo aad moodid ragii dhisey ineysanba dhalin ubad kasii wada ilbaxnimadaas meeshaas waxay marag u tahey hodonimada ay Laasqoray tiigsatey oo ay gaartey xiliyadaas oo ay marsadii qadiimiga aheyd ay shaqeyn jirtey.
Hadaba duqeynta Gumeystihii ee Laasqoray iyo haajiritaankii ubadkii Laasqoray ee qarnigii tegey iyo dhashii ay sii dhaleen oo iyagu aan usoo jaleecan meeshii laga soo wada farcamey ee balad Laasqoray ayaa maanta waxaa kasoo baxdey qorax laydhisay oo dirisey niyada dad badan oo runtii u bukay iney hal mar arkaan Laasqoroo dhisanta oo camiranta.
Alxaaj Faysal Hawar oo isagu nin muhandis ah in mudo ahna ka maqnaa Laasqoray iyo balad Maakhir ayaa in mudo labo sano ah ku mashquulsanaa sidii dib loogu soo nooleyn lahaa marsadii Degmada Laasqoray isla markaana kaashanaya rag ka mid ah Qurba joogta u dhalatey Maakhir oo fakir iyo taloba ka heley asxaabtiisa Qorba joogta ah.
Muhandisku waxuu ka tagey shaqo muhiim ah oo inta badan dadka shaqa doonka ahi ay baadi goob ugu jiraan iyo caruurtiisii oo uu qurbe uga tegey isla markaana ka doorbidey una guntadey sidii uu danta guud wax uga qaban lahaa isla markaana jihaadka dhabta ah galey.
Hadaba yaa hortaagan masiirka horumarka iyo aayo ka talinta beesha Warsangeli, jawaabtu ma waxay tahey shisheeye aan rabin inaad hana qaadid? Mise waa abeesada Madow ee buulkaaga dhex jiifta,?
Jawaabtu waa cadahey oo waxa weeye saan madoobaha ay dilootay hafarka iyo xinka, lugooyo ka shaqeynta iyo isku dirta dadka, wax ismoodnimada iyo faan ceebeed oo dadku inta badan ka xishoodaan oo ah inaan ina Hebel ahey oo heblaayo ay i dhashey!
Isla markiiba wax ma garataasi qayb ka mid ahi oo qaxooti ku ah Hargeysa oo isla markaana ismoodey iney baalal leeyihiin oo haada la duuli karaya ayaa sheegey oo yiri hadaanu nahay dadka martida u ah Somaliland raali kama nihin arinta ka socota halkaas waayo fasax cidi nagama qaadan sidaa awgeed raali kama nihin waxa uu wado Engineerku, taasi waxay keentey in hadaladoodii ay shiidaal u noqotey wax magarato ay ku jirto, ayna ka buuxdo xiqdi iyo isir naceyb oo aan deegaanka u dhalan iney soo weeraraan maraakiibtii sidey qalabka lagu sameyn lahaa sahminta dekeda Laasqoray.
Awliyadii barakeysneyd ee u dhalatey Maakhir oo gaadh haya ka aheyd maraakiibta oo aan shiishkoodu seegin yoolkiisa ayaa dhowr kaga takhalusey isla markaana aakhiro u direy intii kalena ay naf lacaari ula carareen buulashii ay ka yimaadeen.
Hadaba caqabadaasi oo fududeyd aheyd waa laga soo gudbey oo shisheeyuhu wuu yaqaanaa in awliyada dhasha Maakhir ahi aysan aheyn kuwo lagu soo khaldami karo wada cad ayuuna ka marey isla markaana ciil xaasidkoodii ayay buulashoodii la fadhiyaan.
Waxaa sidoo kale maalmahan soo shaac baxay war xumo sheegayaal oo ismoodey ahlu baytkii Shiicada oo xabadka intey soo garaaceen yiri gudoonkii baanu nahey e sir aan jirin hanoola sheego oo baqshiish hoose baanu dooneynaa isla markaana xishood la’aan awgeed beeno aan raad iyo weji toona laheyn iyo kutiri ku teen ah dhexdooda iskula wareegeya.
Nasiib xumada u dheeri waxay tahey qaarkood waa Pension oo waa gaboobeen oo khaatumada ayayba iska haleenayaan, qaarkoodna waa xamaalato ku sugan dalal aysan mararka qaarkood qoraxdu aysan ba ka dhicin oo cirifyada Waqooyi ee caalamka ku sugan isla markaana qaxooti ku ah goobahaas, dibna aana u jaleecan dhulkihii hooyo inkastoo sharkooda ay kala maqan yihiin.
Wasakheynta iyo nijaaseynta ay wadaan kooxdan yari ee wax magarata ahi waxay durbaba horseeday iney iyagu dhexdooda faraha isku fiiq fiiqaan isla markaana dhexdooda kab iyo nacalad isula kacaan waana mid la filayey waayo xuma waduhu isagaa is lugooya, godkuu qodayona isagaa ku dhaca.
Nasiib darada taa u dheeri waxa weeye in kooxdan yari aysan qaaraanta qaarkooda bixin isla markaana ay qaarkood ka midyihiin kuwii Horn Relief lugooyada iyo dibin daabyada ku waday, kuwii SDRA xabaasha u direy una dhigma dhaqan diidka, diin diidka, horumar diidka, nabad diidka, Dowlad diidka ku batey Soomaalida deegaanadooda kale.
Laakinse Bishaaradu waxa weeye in ficiladooda xun xumi, war xuma sheegoodu aysan waxba ka qaadi kareyn hana qaadka Mashruucan barakeysan, waxnana yeeli kareyn waayo Warsangeli yeeli maayo in wax ma garato u dhalatey iyo kuw shisheeyeba in laga hortago Dhismaha Dekeda Laasqoray iyo hana qaadkeeda.
Guushu waxay raaci horumarka iyo ciidii ku shaqo leh
MaakhirNews.com MaakhirNews@hotmail.com

