Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Maanta La Kulmay Odoyaasha Dhaqanka Ee Muqdisho ku Shiraya Daawo Sawirada
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax  ayaa maanta kulan la qaaday Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Magaalada Muqdisho.
C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa u sheegay in odoyaasha dhaqanka looga baahanyahay soo dadajinta soo xulida ergada ansixinaysa daxtuurka cusub ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay wasiirku inuu waqti dhowyahay isla markaana loobaahanyahay in wax badan la qabto, wuxuuna sheegay inuu dhowyahay xiligii loogu talagalay in dastuurka la ansixiyo.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay ugu baaqeen C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax in laga daayo faragelin ay sheegeen inay lagu hayo.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka eek u shirakaya magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in marka hore dastuurka leesla arko markaa ka dibna la soo xulo ergada.
Nabadoon Xaad ayaa u sheegay wasiira wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya inay u baahan yihiin inay helaan waqti ay ku ogaadaan Dastuurka iyo Waxyaabaha ku qoran.
Wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax gabaga gabadii kulankaan ayaa dhankiisa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay ka fekeraan inay ku soo dhameeyaan dastuurka waqtiga loogu talo galay.
Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo xulaan ergadii ansixin lahayd dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la doonayo in bishaan gudaheeda la ansixiyo.
MaakhirNews.com






