Warmurtiyeed Kasoo Baxay Jaaliyada Gobolada Sanaag Hayland,iyo Galbeedka Bari ee Sweden
terborg-Sweden Waxaa ka furmay caasimadda labaad ee dalka Sweden magaalada Goterborg, Shir weyn oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadda Maakhir ee Gobolada Sanaag, Haylaan, iyo galbeedka gobolka bari, Shirkaasoo lagusoo gabagabeeyey guul iyo Qodobo waxku ool ah oo ka soo baxay.![IMG_0714[1]](http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2012/07/IMG_07141-e1341562885915.jpg)
Shirkaas oo ahaa shir wada tashi iyo xog waraysi iyo mid lagaga arrinsanaayey xaaladda mandaqaddu ku sugan tahay, iyo sidii horumar loo gaadhsiin lahaa Degaanadda Maakhir oo looga caawin lahaa dhinacyada adeega bulsho iyo dhaqaale oo mid waqtigan loo baahan yahay.
Waxaa shirka xiriiriye ka ahaa Mudane- Saxardiid xassan wuxuu ku soo dhoweeyey Siciid Awaare si uu ugu furo Aayadaha Quraanka kariimka ah iyo wacdi kooban oo xiisa badan, Ka bacdi , waxaa furay shirka Guddoomiyaha Jaaliyadda Maakhir isagoo Guddoomiyuhu ugu hambalyeeyay sida fiican oo sharafta
mudan oo looga soo qaybgalay shirkan . Shirkan oo ahaa kii 4aad ee Jaaliyaddu isugu timaado ama se yeelato, Mudane: Carabay ayaa waxa uu xusay Ajandaha shirkan oo ah xog waraysi, Wixii qabsoomay sannadkii la soo dhaafay iyo waxa qorshaysan sannadka soo socda ama innagu soo aadan.
Guddoomiye Axmed carabay waxa u xusay wax qabadka Jaaliyadda Maakhir ee dalkan Sweden , wax qabadkaas oo ah sidan hoos ku
qoran:-
1 – Nursing school , waa mashruuc loogu tala galay in lagu tababaro
20 Nursing ah oo ka shaqeeya gobolada Sanaag, Haylaan iyo
galbeedka gobolka bari.Mashrucaas oo ah mid aqoonta iyo
xirfadda nurses ka kor loogu qaadayo, si bulshada ay wax ugu
qabtaan.Wuxuu soconayaa muddo dhan 3 – Sanno tababar kaasi.
Guddoomiye Mr: Carabay wuxuu xusay oo uu ku booriyay in lagama
maarmaan tahay in bulshadu isku duubnaato ayna ka wada shaqyso
horumarka mandaqadooda iyo bulshadooda.
Waxaa lagu soo dhoweeyay Aaladda warbaahinta oday xuseen saalax Mr: Cakaara,oo ka mid ah odayaasha Jaaliyadda Maakhir, oday xuseen
ayaa xusay in dadaal badan ay qabteen xubnaha Jaaliyadda Maakhir oona baahan yahay in intaas laga sii kordhiyo. lana laban laabo dadaalka hadda socda si bulshadeena baahida jirta looga haqab tiro.
Waxaa kale oo uu xusay oday Xuseen Cakaara in loo baahan yahay midnimada Puntland iyo sidii loogo taageeri lahaa baaqii uu soo saaray Madaxweynaha Puntland Dr: Froole, baaqaas oo ah Canbaarayn aanu kaga soo horjeedno heshiiskii DKMG Somalia iyo maamulka ka jira waqooyi galbeed ee la magac baxay Somaliland ,heshiis kaas oo ka dhacay, wadanka Imaaraadka magaalada Dubai.
Waxaa kale oo uu xuseen carbka ku dhiftay in loo baahan yahay sidii loola shaqayn laha shakhsiyaadka iyo shirkadaha ku hawlan dhisida dekedda laasqoray loona baahan yahay wixii awooda ee lagu kordhin karo maadaama ay bulshada Soomaaliyeed u tahay mid dani ugu wadajirto .
Walow ay jiraan dad aan raali ka ahayn ,isagoo xusay oo Cambaa-reeyey, weerarkii gardarada ahaa ee maamulka waqooyi galbeed ku soo
qaadeen maraakiibtii dekedda qalabka u siday, ha yeeshee Oday Xuseen wuxuu ugu baaqay in bulshada degaanku si wada jir ah degaan koodan u difaacaan meelna uga soo wada jeestaan cid alaale ciddii ka hor timaada horumarka Degaanka iyo wixii wax u dhimaya.
Intaa ka bacdi, waxaa ka hadashay madasha Xildhibaanad Sahro Jaamac Qoorsheel oo ah Siyaasiyad ruug cadaaya oo ka soo jeeda degaanka Maakhir ,Sahro ayaa xustay sida ay ugu fraxsan tahay waxqabdka ka socda degaanka Maakhir ee in ay lagama maarmaan tahay in bulshadu la shaqayso dawladda Puntland kalana shaqayso dhinaca amniga iyo horumarka waxa ay xustay in dadka deegaanka goboladaasi ay soo wakiisheen General Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka jiir lagana soo diray maraykanka loona xilsaaray Siyaasada iyo Amniga iyo horumarka Deegaanka ,isagoo hadana ah Wasiirka arrimaha gudaha Puntland hadana ay tahay in looga dambeeyo hawlaha uu gacanta ku hayo
lalana shaqeeyo isaga ee aan loo baahnayn wakhtigan in la mucaarado dadaalka uu wado General Cabdullahi Ilka jiir.
Shirkii waxaa laga soo saaray oo laysla soo qaaday sidii laysugu Xidhi lahaa Jaaliyadaha Maakhir, meel kasta ay ka joogaan
Aduunkaka daafihiisa in ay midoobaan oo wada socdaan waxna wada qabsadaan, website na samaystaan ay wararka ku kala qaataan
deegaan koodana wax u qabtaan sandooqna samaysataan.
Gabagabdii waxaa shirka soo af jaray oo ku duceeyey oday Kuteenbe.
Puntlandi.com
Sweden@puntlandi.com

![IMG_0714[1]](http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2012/07/IMG_071411-e1341563038626.jpg)


