|

Wafdigii Federaalka oo dib Garowe uga duulay.

 Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland waxaa manta ka dhoofay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo raysal wasaare xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dawlada Federaalka Somalia Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo shalay gabal gaabkii ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaaladan Garowe.

Wafdigan ayaa saaka waxay u ambabaxeen magaalada Muqdisho ee Caasiamda Soomaaliya oo uu manta ka furmay Shirkii ansixinta dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Inkastoo aan horay loo shaacin Immaanshaha Wafdigan ee Puntland hadana sidaasi si lamid ah ayay saaka si kadis ah uga ambabaxeen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland oo habeenimadii xalay ahayd ay seexdeen kulamo kala duwanna ay la qaateen madexda dawlada Puntland.

Wafdiga raysal wasaare xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dawlada Federaalka Somalia Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif waxaa ka mid ahaa wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Somalia Cabdilaahi Qoodax Barre ,wasiir ku xigeenka gadiidka iyo howlaha guud Xareed Cali , la taliyaha raysal wasaaraha dhinaca SIyaasada Keenadiid Khaawe, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ku sii sagootiyay Madex ka tirsan labada gole ee dawlada Puntland.

Diyaarada Wafdiga qaaday ayaa aroortii hore ee saaka ka duushay magaalada Garowe, Warar hoose oo warbaahinta puntlandi ay heshayna waxay sheegayaan in wafdiga dawlada Faderaalka Soomaaliya iyo Ergadii Puntland ee Garowe ku sugnayd ay si wada jir ah muqdisho ugu ambabaxeen si ay uga qayb noqdaan shirka maanta muqdisho ka furmay waxayna arrintani ka mid ahayd qodobadii ay wafdiga faderaalka iyo masuuliyiinta Puntland isla qaateen intii ay xalay kulamada ku jireen.

MAAKHIRNEWS

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed