Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaadhay Puntland Sababto Maxay Tahay
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay uuna horkacayo wakiilka UN-ka ee arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Garoowe ee Puntland, halkaasoo lagu wado inuu tanaasulaad weydisto Madaxa Maaml-goboleedkaasi,kadib markii ay Odyaasha ay diideen iney soo saaraan liiska ergada Ergada inta laga saxaayo Qabyo-qoraalka.
Kulamadan ayaa la sheegay in looga hadlayo howlaha Roadmap-ka oo ay ka mid yihiin xulida ergada ansixinta dastuurka, iyadoo saxaafada loo diiday inay goobjoog ka ahaato kulamadan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland.
Wariyeyaal ku sugan Garoowe ayaa sheegaya in Mr.Mahiiga uu culeyso ku saari doono Mr. Faroole inuu ka tanaasulo ku dheganashada qabyo-qoraalka uu soo diyaarsaday oo laga diiday magalaada Muqdisho, waxaana uu horey u faanay inuu damaanad qaad ka heysto Wkiilada beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaliya kulamadana ayaa laga filan karaa iney caqabado ka horyimaadaan.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in danjire Mahiga iyo xubnaha safarkiisa ku wehlinaya ay la kulmi doonaan Odayaal dhaqmeed ka soo jeeda Puntland, kuwaasoo ay kala hadli doonaan arimaha ku saabsan ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa wuxuu qayb ka yahay dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyadoo madaxa Maamulkaasina uu xubin ka yahay saxiixayaasha Roadmap-ka oo ah qorshe la doonayo in Soomaaliya looga saaro xiliga KMG ah.
Lama oga inta maalmood ee uu qaadan doono socdaalka wafdigan oo uu horkacayo danjire Mahiga uu qaadan doono, iyadoo wararku ay sheegayaan in kulamada ay u tageen Punland ay noqon kuwo maanta ku eg
MaakhirNews.com MaakhirNews@hotmail.com

