|

Waa Sidee Rajada Orodyahanada Soomaaliya Uga Qayb Gelaaya Ciyaaraha Olompicada

Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo ciyaartoyda Soomaaliya uga qayb gelaaya ciyaaraha Olompicada ee ka socda dalka Britain ayaa rajo ka muujiyey guul ay kasoo hoyaan tartankaasi.

Zamzam Maxamed Faarax waxay sheegtay in ay ku faraxsan tahay aragtida calanka Soomaaliya oo ka dhexmuuqdo wadamo badan oo sanadkaan ka qeyb galaya ciyaaraha olombikada ee ka dhacaya magaalada London.

Sidoo kale Zamzam ayaa sheegtay markii ay tagtay magaalada London ay la kulantay soo dhaweyn aad u wanaagsan, iyadoo dib usoo xasuusatay dalkeedii hooyo ee Soomaaliya oo ay sanadkaan matalayso.

Waxayse cadeysay in ay rajadeeda ay tahay in ay guul usoo hoyso dalka Soomaaliya.

Cimilada dalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwa ugu wanaagsan wadamada dunida, hadaba Zamzam ayaa ka sheekeynaysa isbadalada dhanka Cimilada ay la kulmeen, iyadoo sheegtay in cimilada wadanka hada ay ku sugan tahay uu yahay mid aad u qabow.

Zamzam Maxamed Faarax ayaa ka sheekeynayso markii ay aragtay heween ka socda wadamo kale iyo waxa ku dhashay ama ay dareentay.

Waxa ay sheegtay in haweenka ka yimaada wadamada kale ay yihiin kuwa ka yimid wadamo Nabad ah isla markaana maskaxdooda ay nadiif tahay balse Zamzam ayaa rajo wanaagsan muujisay in ay guul soo hoynaysa.

Maxamed Xasan Maxamed waa wiilka Soomaaliya kaga qeyb galaya Orodka 1,500 oo Miter, wuxuu sheegay in tababaro ay ku qaateen magaalada London markii ay gaareen kadib.

Maxamed Xasan wuxuu tartami doonaa maalinta Khamiista ee soo socota, waxaana uu rajo weyn ka muujiyey guul uu ka gaaro tartankaasi ka dhacaaya London.

Inkastoo aan la ogeyn waqtiga ay ordi doonto Zamzam Maxamed Faarax haddana wararka qaar ayaa sheegaya in maalinta khamiista oo ku beegan 3 August ay ordi doonto, Waxayna Zamzam iyo Maxamed ay Soomaalida ka codsadeen in ay niyada dajiyaan una soo duceeyaan si ay usoo hooyaan guul.

MaakhirNews.com MaakhirNews@hotmail.com
468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Comments are closed