Taliye Cabdilaahi Saalax oo aas qaran loo sameeyey
Magaalada Garoowe waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey AHN taliye ku xigeenkii 2aad ee ciidamada Booliska Puntland Cabdilaahi Saalax Nadaaro.
Aaska taliyaha waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Puntland kuwaasoo uu kamid ahaa madaxweyne ku xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire.
Sidoo kale waxaa aaska kasoo qayb galay xubno ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada iyo qaar kamid ah ehelada marxuumka geeriyoodey.
Madaxweyne ku xigeenka oo aaska kadib warbaahinta la hadlay ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey Taliye Cabdilaahi Salaax.
Wuxuuna ilaah uga baryey in uu naxariistiisa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.
Gen. Cabdisamed Cali Shire ayaa dhinaca kale sheegey in uu baaritaan xoogani socdo laguna rajo weyn yahay in dadkii dilka taliyaha ka danbeeyey gacanta lagu soo dhigo.
Cabdilaahi Saalax Nadaaro oo ahaa taliye ku xigeenkii 2aad ee Booliska Puntland waxaa fiidnimadii xalay lagu diley magaala Garoowe.
MaakhirNews,com
